Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa Hambalyo u diray wiilkeenna Cali Iidow Xasan oo kaalinta labaad ka galay tartanka oroddada( 6th Edition of the international meeting of Djibouti) oo ah tartan 1500M.
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa mar sii horaysay Orodyahan Cali Iidow iyo koox kale oo dhallinyaro ah ku booqday goobaha ay tababarka ku qaataan, isagoo ku booriyay dadaalka ay ugu jiraan inay dalkooda guul u keenaan.
Wasiir Maxamed Barre ayaa markii lagu soo daray golaha wasiirrada ee Xukuumadda Dan-Qaran bilaabay qorsheyaal lagu hormarinayo ciyaaraha Maaratoonka oo ay Soomaaliya taariikh ku leedahay.
Cali Iidow oo Soomaaliya ku matalayay tartankii Olompicada adduunka ayaa caawa ku tartamay oradka 1500 meter.