𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗮𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗫𝗙𝗦 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗱𝗮 𝗾𝗼𝗿𝘀𝗵𝗲 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆𝗼 𝘀𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗹𝗮 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗻𝗱𝗼𝗼𝗿𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 ( 𝗗𝗮𝗿𝗼𝗼𝗴𝗮𝗱𝗮).

𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗮𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗫𝗙𝗦 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗱𝗮 𝗾𝗼𝗿𝘀𝗵𝗲 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆𝗼 𝘀𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗹𝗮 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗻𝗱𝗼𝗼𝗿𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 ( 𝗗𝗮𝗿𝗼𝗼𝗴𝗮𝗱𝗮).

Spread the love
𝗠𝗼𝗴𝗮𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟭𝟳 𝗠𝗮𝗮𝗿𝘀𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟯:-Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa meel gabo-gabo ah marinaysa siyaasadda qaran ee la dagaalanka iyo ka hortagga Maandooriyaha (Daroogada ) oo faro Kulul ku haya Dhallinyarada Soomaaliyeed iyadoo wasaaraddu howshan kala shaqaynaysa Ababsy Consultanting limited oo ah hay’ad ay ku midaysanyihiin sharci yaqaanno dowladaha geeska kala shaqeeya horumarinta siyaasadaha iyo shuruucda cusub.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo masuuliyiinta hay’adda Ababsy Consultanting limited oo xafiiska agaasimaha guud ku kulmay ayaa isla gartay dardargellinta Siyaasadda Qaran ee ka hortagga Maandooriyaha oo wasaaradda muhiimad gooni ah u leh, maadaama ay tahay Siyaasad lagu badbaadin mustaqbalka Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud iyo masuuliyiinta hay’adda ayaa si wada jir ah u xafiiskiisa ugu booqday wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyagoo xog waran ka siiyay heerka gabogabada ah ee ay marayso Siyaasadda Qaran ee ka hortagga iyo la dagaalanka Maandooriyaha. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in cadowga labaad ee dhallinyarada Soomaaliyeed wajahayso uu yahay Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan isagoo sheegay inay muhiimadda labaad u tahay wasaaraddiisa marka laga soo tago halganka dib u xoraynta iyo xasilinta dalka.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa muhiimad gooni ah siiyay Siyaasadda la dgaaalanka Maandooriyaha isagoo ku daray balanqaadkii uu Raisul Wasaaraha Xukuumadda DAN-QARAN Mudane Xamse Cabdi Barre la gallay bishii December ee sanadkii hore inuu sanadkan 2023 dhexdiisa dhamaystirayaan Siyaasadda Qaran ee la dagaalanka iyo ka hortagga Maandooriyaha.
Wararka