Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galaya isaga iyo wafdi uu hogaaminayo shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa shir doceed muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi oo ah xilligan madaxa golaha wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee dalalka Jaamacadda Carabta.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Masar Dr Ashraf Subxi ayaa ka wada hadlay iskaashi dhex mara labada wasaaraddood ee dhinacyada kobcinta iyo tababarrada dhallinyarada iyo horumarinta garoomada cayaaraha, iyadoo dowladda Masar ay ka tageerayso wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya tababaridda dhallinyaro la barayo xirfado kala duwan iyo koorsooyin gaa-gaaban.
Kulanka labada wasiir waxaa ka qaybgelay agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo saraakiil kale oo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ka tirsan.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeedin doona shirka Wasiirrada dhalinyarada iyo cayaaraha ee wadamada Carabta oo ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.




