Agaasimaha Waaxda Sharciyadda iyo Uqareemidda Dhalinyarada wasaaradda dhalinyarada sportska Hassan Sheikh Abdi Hassan Codeey ayaa Daahfuray Barnaamij loogu tala galay in Dhalinyaradda shaqo Abuur loogu sameeyo.
Barnaamijkaan oo Meelo badan Oo dalka kamid ah loogu tala galay in lagu hirgaliyo ayaa Qayb kamid ah magaalada Mogadishu lagu daah furay, Waxaan ka faaideysanysa Dhalinyaro gaarayso 75 dhalinyaro oo isugu jira Gabdho iyo wiilal.
Wasaaradda dhalinyarada ayaa ku howlan Sida wax looga qaban lahaa Fursad shaqo Yarida kajirta Dalka guud ahaan isla markaaana loogu abuuri lahaa Xirfado ay ku shaqeystaaan dhalinyarada kunool Magalada caasimada iyo guud ahaan Dalka