Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa daah furay tababar ay qaadanayaan Agaasime Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa daah furay tababar ay qaadanayaan Agaasime Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda

Spread the love
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa daah furay tababar ay qaadanayaan maamulka sare ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS oo isugu jira agaasimeyaasha waaxyaha iyo la-taliyayaasha wasaaradda kaasoo lagu baranayay kobcinta xirfadda maamulka iyo maaraynta.
Tababarkan oo uu bixinayay Ustaad Mascuud Weheliye oo ka tirsan xarunta Hagaag Academy oo ah xarun Tababarta shaqaalaha dowladda iyo hay’addaha gaarka loo leeyahay ayaa lagu qaatay aqoon mugweyn oo la xiriirta hoggaaminta iyo isku wadka koox shaqo, horumarinta shaqada iyo shaqaalaha iyo qaabka ugu wanaagsan ee dadweynaha loogu adeego iyadoo laga faa’iidaysanayo xirfadda shaqaale loo Tababaray.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo hadal ka jeediyay soo xiridda Tababarkan ayaa muujiyay in casharro caaqibo leh ay barteen agaasimeyaasha waaxyaha iyo la-taliyayaasha wasaaradda wuxuuna kula dardaarmay in xafiisyadooda shaqada ay ku dabaqaan aqoonta ay ka qaateen Tababarkan.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha oo kaashanaysa wasaaraddo kala duwan iyo hay’addo maxali iyo caalami isugu jira ayaa bilowday Tababar la siinayo maamulka sare ee Wasaaradda iyo hawlwadeenada wasaaradda si loo hagaajiyo khidmadda loo qabanayo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada.
Wararka