Author name: admin

Wararka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo qabatay munaasabadda maalinta Dhallinyarada xirfadlayaasha ah.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo qabatay munaasabadda maalinta Dhallinyarada xirfadlayaasha ah.  Mogadishu, 16 July, 2024:- Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo kaashanaysa Wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo arrimaha bulshada ayaa qabatay munaasabad la xiriirta maalinta caalamiga ah ee xirfadda Dhallinyarada.  Waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin uu ku jiro Wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo arrimaha bulshada Dr Maxamed Cilmi, kusimaha agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Maxamed Xulow Xuseen iyo masuuliyiin kale, waxaana lagu soo qaaday muhiimadda ay dhallinyarada Soomaaliyeed u leedahay xirfadaha lagu shaqaysto.  Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha ayaa xoogga saartay labadii sano ee la soo dhaafay in la dhiirigeliyo xirfaha gaa-gaaban ee dhallinyarada u sahlaya suuqa shaqada inay dhakhso ku biiraan. 

Wararka

Jadwalka Tartanka Kubadda Cagta ee dugsiyada Gobolka Banaadir.

Jadwalka Tartanka dugsiyada Gobolka Banaadir. Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS waxay soo gudbinaysaa tartanka dugsiyada Gobolka Banaadir sanadka 2024 oo xiiso iyo xamaasad gooni ah leh sanadkan. Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha ayaa ahmiyad gooni ah siinaysa tartanka dugsiyada dalka si ay uga soo dhex baxaan xulka qaranka ee mustaqbalka.

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda Liibiya kula kulmay koox dhallinyarada Soomaaliyeed ah oo go’aansaday inay dalkoodii hooyo ku noqdaan oo isaga laabtaan silica iyo saxariirka ka jira Liibiya iyo halista badda ee sugaysa.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda Liibiya kula kulmay koox dhallinyarada Soomaaliyeed ah oo go’aansaday inay dalkoodii hooyo ku noqdaan oo isaga laabtaan silica iyo saxariirka ka jira Liibiya iyo halista badda ee sugaysa. Wasiirka ayaa ku wargeliyay dhallinyaradan in 15 ka mid ah ay diyaar yihiin Tickets-koodii iyo waraaqihii socdaalka ay ku noqon lahaayeen( Go-Home) oo 11-ka bishan June ay ka degi doonaan magaalada Hargeisa, halka 25 kale oo iyaguna is diiwaangeliyay inay Mogadishu ka degaan loo soo dhamaystiri doono documents-ka socdaalka inta aysan bishan June dhammaan. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku booriyay dhallinyaradan go’aanka geesinimada leh qaatay isagoo ugu baaqay dhallinyarada kale ee faraha badan ee Tripoli jooga inay sidaas oo kale sameeyaan. Wasiirka ayaa la wadaagay dhallinyarada horumarka la tiigsanayo sanadaha soo socda iyo maalgashiga caalamiga ah oo sahlaya shaqo abuur xooggan.

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga fulinta Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga fulinta Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta. Labada wasiir ayaa ka wada hadalay xoojinta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada jihaynta dhallinyarada, is-dhexgalka Ciyaaraha, iyo kala faa’iidaysiga khibradaha maamulka Isboortiga iyadoo dalka Masar uu ka mid yahay wadamada xagga Afrika ugu horreeye dhinaca Ciyaaraha. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiir Dr Ashraf Subxi ayaa sidoo kale isla soo qaaday martigelinta xulka qaranka Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya isreeb-reebka koobka adduunka ee qaaradda Afrika iyo sidii xulka qarankeennu Hoyad( Home) ugu noqon lahayd dalka masar inta ciyaaruhu socdaan maadaama tashiilaad badan oo xulalka qaaraddu u baahanyihiin weli dalkeenna u dhimmantahay. Labada wasiir ayaa isla gartay in wixii farsamo ah loo daayo xiriirrada labada dhinac ee Soomaaliya iyo Masar waxaana Wafdiga wasiirka ka mid ahaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Cali Cabdi Maxamed ( Cali Shiino) oo dhiggiisa Masar kala sii xaajoon doona sidii farsamo ahaan ay dowladda Masar nooga taageeri lahayd kobcinta maamulka iyo farsamada ciyaaraha. Dhinaca kale Wasiir Maxamed Barre iyo wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo Eng Fahad Cali Xasan oo ah la-taliyaha wasiirka ayaa ka qaybgalay furitaanka tuulada ciyaaraha Masar oo ah goobo ay ku dhanyihiin noocyada kala duwan ee garoomada iyo goobaha lagu ciyaaro. Ugu danbayn Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa u mahadceliyay danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo Diblumaasiyiinta kale ee safaaraddeena Qaahira oo shaqo qurux badan la qabtay Wasiirka iyo wafdigiisa.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa kulan tala galin iyo fikrad aruurin ah la qaatay qaar ka mid ah bahda Ciyaaraha gaar ahaan lafihii hore ama Rugcadaayaashii Isboortiga.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud kulan tala galin iyo fikrad aruurin ah la qaatay qaar ka mid ah bahda Ciyaaraha gaar ahaan lafihii hore ama Rugcadaayaashii Isboortiga. Maadaama ay Hadafyada iyo hawlaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha waxaa ugu waa weyn samaynta Siyaasada Qaran ee Cayaaraha si loo helo sharci iyo daatuur u gaar ah Isboortiga Soomaaliya ayaa Wasaaradda waxa ay dar dar gelindoontaa Sameynta Siyaasada Qaran ee Isboortiga kaasoo wax badan ka badi doonta Dhanka isboortiga. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen 32 xubnood oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee Isboortiga ragg iyo dumarba ayaa la isku dhaafsaday fikrado wax ku ool ah oo qayb ka noqon kara Siyaasada Qaran ee Ciyaaraha. Kulamada iyo tala galinta bahda Ciyaaraha Siyaasada Qaran ee Cayaaraha ayaa socon doona tan iyo inta laga soo saari doono Siyaasada Qaran ee Cayaaraha oo dhamaystiran taas oo muhiim u ah Isboortiga wadankeena Soomaaliya.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayay oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah wasiirada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedyada ayaa ka qayb galay furitaanka shirka cimilada dhallinyarada Afrika oo maantay ka dhacay Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayay oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah wasiirada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedyada ayaa ka qayb galay furitaanka shirka cimilada dhallinyarada Afrika oo maantay ka dhacay Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Shirkaan oo uu daah furay Madaxweynaha wadanka Kenya William Ruto ayaa gogol xaar u ah shirka madaxda Afrika ee lagaga tashan doono dhibaatada isbeddelka Cimillada oo Afrika saamayn togan ku leh waxaana goob joog ka ahaa madax ka kala socotay dowladaha Afrika iyo hay’ado caalami ah. Wasiir Maxamed Barre oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay furitaanka shirkaan ayaa ka hadlay Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa Afrikaba doorka ay ku leeyihiin la dagaalanka isbadalka cimilada . Shirkaan Cimilada Dhallinyarada Afrika ayaa wajigiisa koowaad waxa uu socon doona mudo sadex maalmood ah waxaana xoogiisa diirada lagu saari doonaa habka ay dhallinyarada uga qayb qaadan lahaayeen la dagaalanka isbadalka cimilada oo saamayn ba’an ku haysa dunida oo dhan halka wajigiisa labaadna uu bilaaban doono 4ta September

Scroll to Top