Wasiirka Wasaaradda Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa kulan tala galin iyo fikrad aruurin ah la qaatay qaar ka mid ah bahda Ciyaaraha gaar ahaan lafihii hore ama Rugcadaayaashii Isboortiga.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa kulan tala galin iyo fikrad aruurin ah la qaatay qaar ka mid ah bahda Ciyaaraha gaar ahaan lafihii hore ama Rugcadaayaashii Isboortiga.

Spread the love
Wasiirka Wasaaradda Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud kulan tala galin iyo fikrad aruurin ah la qaatay qaar ka mid ah bahda Ciyaaraha gaar ahaan lafihii hore ama Rugcadaayaashii Isboortiga.
Maadaama ay Hadafyada iyo hawlaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha waxaa ugu waa weyn samaynta Siyaasada Qaran ee Cayaaraha si loo helo sharci iyo daatuur u gaar ah Isboortiga Soomaaliya ayaa Wasaaradda waxa ay dar dar gelindoontaa Sameynta Siyaasada Qaran ee Isboortiga kaasoo wax badan ka badi doonta Dhanka isboortiga.
Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen 32 xubnood oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee Isboortiga ragg iyo dumarba ayaa la isku dhaafsaday fikrado wax ku ool ah oo qayb ka noqon kara Siyaasada Qaran ee Ciyaaraha.
Kulamada iyo tala galinta bahda Ciyaaraha Siyaasada Qaran ee Cayaaraha ayaa socon doona tan iyo inta laga soo saari doono Siyaasada Qaran ee Cayaaraha oo dhamaystiran taas oo muhiim u ah Isboortiga wadankeena Soomaaliya.
Wararka