Author name: Mohamed Abdi Ali Siyad

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir gudoomiyay Shirka Wadatashiga ee Wasiirrada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XJFS, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir gudoomiyay Shirka Wadatashiga ee Wasiirrada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XJFS, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkan oo ay martigelisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS, ayaa looga dooday qodobada: • Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2029) – Tiirka Horumarinta Bulshada iyo Awoodda Aadanaha; • Doorka dhallinyarada ee ka qaybgalka bulshada iyo doorashooyinka soo socda ee guud; • Siyaasadda Qaranka ee Dhallinyarada (2023–2030); • Warbixin ku saabsan horumarka laga gaaray Wadatashiyada Qorshaha Qaranka ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (YPS NAP) iyo Arrimaha Isboortiga Dalka. Shirkan muhiimka ah ayaa waxa uu xoojin doonaa iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo xaqiijiyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay noqdaan udub dhexaadka horumarka qaranka, nabad-dhisidda iyo hannaanka dimuqraadiyadda oo ay ka mid tahay doorashooyinka.

Wararka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS oo si weyn u xustay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS oo si weyn u xustay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka. Munaasabaddaan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, Wasiirro, Xildhibaano, masuuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Banaadir, Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Ururada Dhallinyarada iyo ardayda Jaamacadaha dalka. Munaasabadda waxa ay isugu jirtay khudbado ay soo jeediyeen masuuliyiinta kasoo qeybgashay, dood cilmiyeed ku aaddan doorka dhallinyarada ee fulinta yoolalka horumarka waara iyo bandhig ay qeyb ka mid ah dhallinyarada kusoo bandhigayeen hal-abuuradooda ganacsi. Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinkaan caalamiga ah asagoo tilmaamay in Dhallinyarada Soomaaliyeed ay la noolyihiin duruufo kala duwan oo ay sababeen burburkii dalka. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Md. Saalax Axmed Jaamac oo soo xiray munaasabadda ayaa Dhallinyarada Soomaaliyeed ku bogaadiyay doorka muhiimka ay ka qaataan dowlad-dhiska dalka.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta wasaaradda kula kulmay wafdi ay hoggaamineysay Xoghayaha Guud iyo Madaxa Hey’adda LM international Marwo Josephine Sundqvist.

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta wasaaradda kula kulmay wafdi ay hoggaamineysay Xoghayaha Guud iyo Madaxa Hey’adda LM international Marwo Josephine Sundqvist. Hey’adda LM international oo ah hey’ad caalami ah oo ka shaqeysa arrimaha nabad-dhisidda iyo horumarinta dhallinyarada ayaa waxa ay Wasaaradda kala hadleen barnaamijyada hal-abuurka & xirfadsiinta dhallinyarada iyo awoodsiinta dhallinyarada ee arrimaha nabadda iyo amniga. Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla gartay sidii looga wadashaqeyn lahaa fulinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo helidda xarun dhallinyaro oo ka shaqeysa xirfadsiinta dhallinyarada.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan kula qaatay Md. George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isuduwaha Gargaarka iyo Arrimaha Bani’aadamnimada (UNTMIS), oo uu wehliyo Md. Martti Karttunen, Iskuduwaha Dhallinyarada ee Xafiiska DSRSG/RC/HC.

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan kula qaatay Md. George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isuduwaha Gargaarka iyo Arrimaha Bani’aadamnimada (UNTMIS), oo uu wehliyo Md. Martti Karttunen, Iskuduwaha Dhallinyarada ee Xafiiska DSRSG/RC/HC. Kulanka intii uu socday, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa soo bandhigay howlaha muhiimka ah ee wasaaraddu iyo mudnaanta istiraatiijiyadeed ee ay diiradda saarayso, gaar ahaan arrimaha horumarinta dhallinyarada. Dhinaca kale, Md. Goerge Conway ayaa carabka ku adkeeyay in dhinacooda ay mudnaan buuxda siin doonaan arrimaha dhallinyarada iyo awoodsiintooda sidoo kalena ay si dhow arrimahaas kala shaqeyn doonaan Wasaaradda. Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda ayaa Md. George Conway iyo wafdigiisa kaga mahadceliyay kulankooda iyo booqashadooda xarunta Wasaaradda.

Wararka

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS oo Ka Qayb-Galay Xafladda Qori-Tuurka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir 2025 ee Muqdisho

Waxaa galabta Muqdisho ka qabsoomay Xaflada Qori-Tuurka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir ee sannadka 2025 oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho. Xaflada ayaa waxaa ka qayb-galay bahda isboortiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada iyadoo ay goob joog ahaayeen masuuliyiin ka socday Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Degmooyinkiisa, Halyeeyada Nabada iyo marti sharaf kala duwan. Masuuliyiintii xaflada ka hadlay ayaa boggaadiyay, sidoo kalana soon dhaweeyay qabashada tartankan iyagoo u mahad celiyay dhammaan dadkii iyo hay’adaha ka shaqaynaya qabsoomida Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir ee 2025.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay madaxa Hey’adda UNFPA ee Somalia Marry Otieno.

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay madaxa Hey’adda UNFPA ee Somalia Marry Otieno. Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee xuska maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka (12 August) iyo barnaamijyada kale ee horumarinta dhallinyarada. Labada dhinac ayaa isku afgartay in la xoojiyo wadashaqeynta sidoo kalena sare loo qaado barnaamijyada horumarinta dhallinyarada.

Scroll to Top