Author name: Abdulkadir Ashara

Wararka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS, Guddiga Olimbikada Qaranka Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa manata ku xusay magaalada Muqdisho maalinta caalamiga ah ee isboortiga Horumarinta iyo Nabadda 6 April.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS, Guddiga Olimbikada Qaranka Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa manata ku xusay magaalada Muqdisho maalinta caalamiga ah ee isboortiga Horumarinta iyo Nabadda 6 April. Munaasabada xuska maalinta 6-da April oo lagu kala qabtay Garoomada Stadium Mogadishu iyo Wiish Stadium ayaa Waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka ku Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Dahabo Suusow, Agaasimaha Wasaaradda Jamaal Shiil, Agaasimaha Waaxda Isboortiga ee Wasaaradda Saacid Maxamed, Guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Guddiga Olimbikada Qaranka Soomaaliyeed Duran Farah, Xoghayaha Guud ee GOQS Mohamed Abdo Haij, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cabdirashiid Cabdulle, Xoghayaha Guud ee Xiriirka Yuusuf Muxudiin, Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Maxamed Cali Siyaad iyo bahweynta Isboortiga wiilal iyo gabdhaba. Waxaa la qabtay ciyaar Kubadda Kolayga ah oo ay dheeleen degmooyinka Shibis iyo Hodan, Ciyaaro dhaqameedyo ay ka mid yihiin xarig jiid, tartanka Jawaan-ku-orodka, dhari jebin. Waxaa kaloo dabaal degga qeyb ka ahaa oo maalinkaan lagu maamuusay ciyaartii galabta dhex martay kooxaha Dekadaha iyo Horseed, oo ka dhacay Garoonka Mogadishu Sadium. Xuskaan maalintaan weyn ayaa si guul leh ku soo dhamaaday, iyadoo Koob iyo Abaal marino kala duwan la guddoon siiyay kooxixii ku guuleystay tartamadii kala duwanaa.

Wararka

Wasiir Kuxugeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xil. Dahabo Suusow Maxamud ayaa Maanta ku qaabishay Xafiiskeeda Mas’uuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta iyo Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, waxaana kulankas looga wada hadlay u diyaar garowga qabashada Tartanka kubada Cagta ee Jaamacadaha.

Wasiir Kuxugeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xil. Dahabo Suusow Maxamud ayaa Maanta ku qaabishay Xafiiskeeda Mas’uuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta iyo Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, waxaana kulankas looga wada hadlay u diyaar garowga qabashada Tartanka kubada Cagta ee Jaamacadaha. Wasiir Dahabo Suusow ayaa ku dhiira gelisay Xiriirka iyo Midowga Jaamacadaha in ay u howl galaan meel marinta iyo qabsoomida taratanka Jaamacadaha oo qeeyb ka ah horumarinta cayaaraha dalka gaar ahaan kuwa Jaamacadaha. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Isboortiga Mudane Saacid Maxamed Xasan oo soo gudbiyay marxaladii uu soo maray qabashada Tartankan. Guddoomiye kuxigeen Midowga Jaamacadaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Xiriirka Kubada Cagta ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin qabashada Tartanka Jaamacadaha. Ugu dambeyn Waxaa kulanka ka soo baxay: 1. In ay tartanka ka soo qeyb galaan 32 Jaamacadood 2. In Diiwaangelinta la soo gaba gabeeyo 15/4/2025 3. In Tababar loo qabto Macalimiinta Jaamacadaha 17/4/2025 4. In Qorya tuurka iyo Jadwalka Tartanka la sameeyo 22/4/2025 5. In tartanka uu bilowdo 29/4/2025

Wararka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xil. Dahabo Susow Maxamud ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wafdi uu hoggaaminaayey ku simaha Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr Ozan Can Gümüş

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xil. Dahabo Susow Maxamud ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wafdi uu hoggaaminaayey ku simaha Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr Ozan Can Gümüş Booqashadaas oo ujeedkeedu ahaa dardar galinta iyo xog is weydaarsi ku saabsan heshiisyo dhanka horumarinta Isboortiga ah oo ay horay u kala saxiixdeen labada Dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.Safiirka oo booqashadiisa ay ku wehliyeen masuuliyiin uu kamid ahaa Akif Adnan Dizer ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay qeyb ka mid ah heshiisyada horay loo galay iyo muhiimadda ay leeyihiin hirgelintooda.Kulanka oo goobjoog uu ka ahaa Agaasimaha Waaxda Isboortiga ee Wasaaradda Mudane Saacid Maxamed Xasan ayaa dhankiisa sharaxaad kooban ka bixiyay taariikhda guud ee Isboortiga Soomaaliya, marxaladihii uu soo maray iyo guulihii laga gaaray iyo qorsheyaasha wasaaradda ee dhanka Horumarinta Isboortiga.Ku simaha Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr Ozan Can Gümüş oo bogaadiyay dadaalada ay wado Wasaaradda ayaa ku booriyay Wasiir ku xigeenka in la sii dar dar galiyo hirgalinta mashruucyada hormarineed ee Isboortiga.Ugu Dambeyn Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa Safiirka iyo Wafdigii la socday uga mahad celisay booqashadooda waxayna soo dhoweysay dadaalada uu dalka Turkiga ugu jiro garab istaagga Dawladda Soomaaliya iyo mashaariicda wax tarka leh oo ay dalka ka wadaan, si gaar mashaariicda horumarinta Isboortiga oo la filayo in dhawaan howlahoodu bilaabmaan.

Wararka

Ra”iisul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Abdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta xillalka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka Cusub Mr Maxamed Cabduqaadir Cali.

Ra”iisul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Abdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta xillalka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka Cusub Mr Maxamed Cabduqaadir Cali. Munaasabadaan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa Xillalka kula kala wareegay sidoo kale Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego iyo Wasiir ku xigeenka cusub Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamed waxaana goobjoog ka ahaa Wasiir dowlaha Xafiiska Raii’sul wasaaraha Mr Xirsi Gaani, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada Md. Yusuf Maxamed,Agaasimaha guud ee wasaaradda Mr Cabdulaahi Jamaal Maxamed ,Agaasime waxeedyada Wasaaradda iyo dhamaan hay’adaha iyo ururada Dhallinyarada iyo Isboortiga . Wasiirka xilka wareejiyay ee Maxamed Barre Maxamuud ayaa sharxay Guulihii iyo howlihii u qabsoomay ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudadii uu Xafiiska joogay asagoona kula dardaarmay shaqaalaha inay sii xoojiyaan howlaha ay qarankooda u haayaan. Dhankiisa Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa balan qaaday inuu kasii wadayo howlaha Hormarinta Ciyaaraha iyo Arrimaha Dhallinyarada wixii dadaala ah ee socdayna uu intii karaankiisa ah ku dari doono in cusubna kusii dari doono sida in wasaaradda xarunteedii rasmiga ahayd dib ugu howlgasho oo kale. Ugu dambayn Ra”iisulwasare Kuxigeenka Dalka Abdisalaan Cabdi Cali Dhaay oo munaasabada Soo xidhay ayaa tilmaamay muhiimada wadankeena u leedahay Wasaaraddan oo uu ku sheegay Awoodii Qaranka Soomaaliyeed maadama bulshada inta ugu badan oo dhallinyaro ah wasaaradoodii tahay wuxuuna u mahadceliyey Wasiir Maxamed Barre oo ku tilmaamah inuu Wax muuqda ka qabatay Wasaaradda mudadii uu hogaaminaayay . Dhanka kalana wuxuu soo dhaweeyay wasiirada cusub asagoo kula dardaarmay shaqo wanaag iyo in meesha ay maantu wasaaraddu joogto kasii horumariyaan.

Scroll to Top