
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa Dhagaxdhigay..
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa Dhagaxdhigay Garoonka Kubadda Cagta ee Dr Ayub Stadium ee degmada balcab

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa Dhagaxdhigay Garoonka Kubadda Cagta ee Dr Ayub Stadium ee degmada balcab

Iyadoo laga duulayo doorka dhalinyarada ee amniga iyo nabadeynta dalka ayaa wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa shan shir ku qabatay magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo iyo Kismaayo, kaasoo looga hadlayay doorka dhalinyarada ay ku leeyihiin nabadda iyo amniga. Munaasabadda ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre.

Magacaabida Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa waxaa soo dhaweeyay dhalinyarada Soomaaliyeed oo sheegay in shaqsigii ku haboonaa loo magacaabay Wasaaradaasi maadaama uu Wasiir Maxamed Barre kaalin muuqata oo firfircoon ku lahaa Ciyaaraha Kubadda Cagta ee garab istaaga dhalinyarada

Si kor loogu qaado wada shaqaynta xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha Olombikada oo uu xiriirka kubbadda cagta xubin ka yahay, wasiirku wuxuu todobaadkii ugu horreeyay la qaatay kulan is-faham ah oo uu la yeeshay madaxda Olombikada iyo xiriirada kala duwan.