Wararka

Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay ciyaarta kama dambeysta ah ee Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay ciyaarta kama dambeysta ah ee Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir. Ciyaarta oo aheyd mid aad u xamaasad badan ayaa waxaa u soo daawasho tagay kumanaan taageerayaal ah oo ka kala yimid dhammaan degmooyinka magaalada Muqdisho iyo daafaheeda. Ciyaarta oo u dhaxeysay Degmada qadiimiga ah ee Warsheekh iyo Degmada faca-weyn ee Howlwadaag ayaa waxa ay guusha 2-1 ku raacday Degmada Howlwadaag. Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gudoonsiiyay koobka iyo biladaha ciyaartoyda labada koox.

Wararka

Agaasimaha Horumarinta Isboortiga ahna Sii Hayaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Mudane Saadaq Axmed ayaa ka qeyb galay tababar heer sare ah oo ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Agaasimaha Horumarinta Isboortiga ahna Sii Hayaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Mudane: Saadaq Axmed ayaa ka qeyb galay tababar heer sare ah oo ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Tababarkan oo diiradda lagu saarayay Hirgelinta, Joogtaynta iyo Horumarinta Siyaasadda Isboortiga ee Midowga Afrika (African Union) ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Isboortiga Jabuuti iyo Midowga Afrika isagoo ka qayb ahaa dadaallada lagu xoojinayo horumarka iyo wada shaqeynta dhinaca isboortiga ee dalalka xubnaha ka ah. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimayaasha Isboortiga ee 14 dal oo ka tirsan Guddiga Hoosaadka Gobolka 4-aad ee Midowga Afrika (Region 4), Soomaaliya ayaana qeyb ka ahayd dalalka martiqaadka ku yeeshay madasha. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka socda Midowga Afrika iyo guddiyo farsamo oo ku howlanaa barnaamijyada isboortiga ee qaaradda. Furitaanka tababarka waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha ee Dowladda Djibouti, kaas oo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta isboortiga qaaradda Afrika, gaar ahaan dhisidda siyaasad mideysa dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika. Intii kulanku socday, waxaa lagu falanqeeyay sida loo hirgelin karo siyaasad qaran oo ku saleysan qorshaha isboorti ee Midowga Afrika, Hababka lagu heli karo maalgelin joogto ah oo lagu hormarinayo kaabeyaasha isboortiga, Doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin kobcinta isboortiga iyo nabadda iyo Iskaashiga goboleed ee taageeraya tartamada African Union iyo waddamada xubnaha ka ah. Agaasime Saadaq oo Soomaaliya uga qeyb galay kulanka ayaa soo bandhigay dhaqangelinta siyaasadda isboortiga ee dalku ku hawlan yahay iyo caqabadaha jira, wuxuuna dhankiisa ka helay talooyin iyo taageero la xiriirta sidii loo xoojin lahaa qorshaha isboorti ee qaranka. Tababarkan ayaa lagu soo gabagabeeyay ugu dambeyn iyadoo la isku raacay in dalalka ka soo qayb galay ay sii amba-qaadaan wada shaqeynta iyo wax-wada-qabsiga lagu horumarinayo isboortiga Afrika, si loo gaaro mustaqbal isboorti oo mideysan oo heer caalami gaara.

Wararka

Wasiirka Dhallinyarada iyo Wakiilka UNICEF oo Kulan Muhiim ah Ku Adkeeyay Iskaashiga Awood-siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed

Kulan heer sare ah oo lagu adkaynaayay iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan awood-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan hablaha iyo dhallinta da’da yar ayeey xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha kuwada qaateen maantay Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf. Kulanka oo uu guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa taageerada ay UNICEF siiso barnaamijyada Wasaaradda ee la xiriira Hannaanka Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (YPS), iyo hirgelinta Qorshaha Qaranka ee Dhallinyarada Soomaaliya. Wasiirka ayaa ku amaanay UNICEF kaalinta muhiimka ah ee ay ku leedahay difaaca xuquuqda carruurta gaar ahana kuwa nugul iyo ilaalinta haweenka. Wuxuuna xusay in Wasaaraddu mudnaan gaar ah siineyso dhallinyarada, gaar ahaan hablaha da’doodu ka weyn tahay 15 sano, si ay u helaan cod, door muuqda iyo fursado ay kaga qaybqaataan go’aan qaadashada iyo horumarinta adeegyada bulshada. Wasiirku wuxuu tusaale u soo qaatay Shirkii Cimilada ee Dhallinyarada oo UNICEF ay taageertay, isagoo amaanay doorka hoggaamineed ee hablaha Soomaaliyeed ee arrimaha cimilada iyo wadahadalada qaran. Dhankeeda, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Marwo Sandra Lattouf ayaa sheegtay in UNICEF ay ka go’an tahay inay sii wado taageerada ay siiso Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu xoojiyo fursadaha waxbarasho, shaqo-abuur iyo ka qaybgal bulsho oo wax dhisaya. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqaynta dhow, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu aqoonsado inay yihiin laf-dhabarta nabadda, hal-abuurka iyo horumarka waara ee Soomaaliya.

Wararka

Ministry of Youth & Sports presents the 2023–2030 Youth Political Strategy to UN leadership. Youth to be the central pillar in peace, governance, climate action & development.

H.E. Minister Mohamed Abdullqadir Ali, together with the leadership team of the Ministry of Youth and Sports, welcomed the Special Representative of the United Nations Secretary-General for Somalia and Head of UNSOM, Mr. James Swan, accompanied by Mr. Obinna Okamgba, Special Assistant, and Mr. Vikram Parekh, Head of Political Affairs. Joining the Minister were Deputy Minister H.E. Dahabo Susow Mohamed and the Director General, Mr. Jamal Cabdulaahi Mohamed. The meeting highlighted the presentation of the Somali Youth Political Strategy 2023–2030, which places young people at the heart of Somalia’s peacebuilding, good governance, climate action, and national development efforts. Discussions centered on reinforcing collaboration between the Ministry and the United Nations to ensure coherence with Somalia’s political agenda and to expand initiatives that uplift and empower Somali youth.

Wararka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Dahabo Susow Maxamud oo ka qeybgashay shirweynaha 9aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga kaas oo lagu doortay hoggaanka sare ee Xiriirka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Dahabo Susow Maxamud oo ka qeybgashay shirweynaha 9aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga kaas oo lagu doortay hoggaanka sare ee Xiriirka. Doorashada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga oo ku qabsoontay korjoogteynta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ayaa waxaa Gudoomiye loogu doortay Md. Cabdullaahi Cabdulle Xasan. Doorashada ayaa sidoo kale lagu doortay ku xigeenada 1aad, 2aad iyo 3aad ee Gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee guddiga fulinta. Doorashada waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Guddiga Olimbikada Qaranka Soomaaliyeed, kooxaha iyo ururada Kubadda kolayga.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo ay wehliso Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda xil. Dahabo Suusoow ayaa waxa ay kormeer ku tageen xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo dhisme uu ku socdo.

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo ay wehliso Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda xil. Dahabo Suusoow ayaa waxa ay kormeer ku tageen xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo dhisme uu ku socdo. Kormeerkaan aya ujeedkiisa ahaa sidii loo qiimeyn lahaa halka uu maraayo dhismaha xarunta wasaaradda oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud dhagaxdhigay 15kii May 2025. Dhismaha xarunta wasaaradda oo meel fiican maraayo ayaa la qorsheynayaa in dhammaadka sanadkaan ay ku shaqeyso Wasaaradda.

Scroll to Top