Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaa kulan wadatashi layeeshay Golihii Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed ee 1976dii ilaa iyo 1992dii.

Ayadoo ay ku howlan tahay dhisida Golaha Dhallinyarada Qaranka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha oo wada wada tashiyada ku saabsan golahaas ayuu Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xil. Maxamed Barre Maxamuud kulan kula qaatay xarunta wasaaradda qaar ka mid ah Golihii Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed ee 1976dii ilaa iyo 1992dii. Gudoomiyihii hore ee golaha dhallinyarada qaranka iyo qaar ka tirsanaa Gudoomiyayaashii gobolada ee golahaas ayaa Wasiir Maxamed Barre uga sheekeeyay nidaamkii shaqo iyo qaabkii ay doorashada golayaasha Dhalinyarada Qaranku u dhici jirtay. Wasiirka iyo howl wadeenada Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha gaar ahaan Waaxda Dhallinyarada ayaa waxaa ka go’an in ay yeeshaan dhawaan dhallinyarada Soomaaliyeed Gole Qaran oo ay u dhan yihiin dhamaan dhallinyarada oo dhan tuulo, degmo ilaa iyo magaalo. Dhallinyaradii Shalay waa Duqoowda Maantay.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xil. Maxamed Barre Maxamuud, ayaa kula kulmay Xarunta Wasaaradda wafdi uu hoggaaminaayay Lionel Laurens oo ah Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xil. Maxamed Barre Maxamuud, ayaa kula kulmay Xarunta Wasaaradda wafdi uu hoggaaminaayay Lionel Laurens oo ah Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ay Wasaaradda iyo Hay’adda UNDP ee Soomaaliya oo sanado badan taageereysay dhallinyarada Soomaaliyeed ay uga wada tashan lahaayeen iskaashiga dhinacyada horumarinta iyo shaqa abuur ee Dhalinta Soomaaliyeed. Intii uu kulanka socday waxa ay Wasiir Barre , Agaasimaha Guud Mudane Abdirahim iyo qaar ka mida howladeenada Wasaardda la wadaageen Masuuliyiintii UNDP Siyaasadda Dhallinyarada Qaranka ayadoo wasiirku uu u micneeyey in siyaasadda cusub ay ka kooban tahay toban tiir oo muhiimadda u wada leh Dhalinyarada Soomaaliyeed in la ogaado meelaha laga wada shaqayn karo iyo qaabka la iskaga kaashan karo barnaamijyada horumarineed ee dhalinyarada Soomaaliyeedna ay lagama maramaan tahay.

Wararka

Shir balaaran oo looga arinsansanayay horumarka ciyaaraha dalka oo ay isugu yimaadeen madaxda wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS iyo madaxda Xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha dalka

Shir balaaran oo looga arinsansanayay horumarka ciyaaraha dalka oo ay isugu yimaadeen madaxda wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS iyo madaxda Xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha dalka oo ay hogaaminayeen Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka qabsoomay maantay xarunta wasaaradda. Wasiirka wasaaradda , wasiir ku xigeenka ,agaasimaha guud iyo agaasimaha waaxda isboortiga Wasaarada ayaa kulanka goob-joog ka ahaa taasoo muujinaysa muhiimadda ay wasaaraddu siinayso horumarinta iyo turxaan bixinta ciyaaraha dalka. Madaxda wasaaradda iyo masuuliyiinta xiriirrada kala duwan ee dalka iyo Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa si guud iskaga waraystay Qaladaadka ciyaaraha ee ka dhaca fagaarayaasha caalamka oo ay ugu dambaysay uguna darnayd kiiskii Orodka ee China ka dhacay. Intaas kadib wasaaradda ayaa ku amartay xiriirrada iyo Guddiga Olombikadda in muddo 10 maalmood gudahooda ah ay ku soo gudbiyaan Xiriiradu Dastuuradooda ,Guddiyada Fulinta,Liisaska Macaaliminta Qaranka iyo Macalimiinta Heerarka kala duwan, Liisaska Garsoorayaasha heer walba oo ay yihiin, Liisaska Naadiyada heerarkooda kala duwan iyo Liisaska Cayaartooyda heerka Qaran & heer Kooxba . Intaas kadib Wasaaradda ayaa soo jeedisay in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo Guddi ka shaqeeynaya dib u habaynta iuo tayeeynta Xiriirada kala duwan ee dalka si loo horumarinta qaybaha kala duwan ee ciyaaraha kaas oo noqon doona sadex qayb oo kala ah Dowladda oo Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ay wakiil u tahay , Xiriirada Ciyaaraha oo Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ee GOQS ay ku midaysna yihiin iyo Bulshada qaybahooda kala duwan oo civil society-ga laga soo xuli doono kuwooda leh aqoonta Isboortiga. Ugu dambayntii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa fartay Xiriirada Ciyaaraha dalka In qof ama koox kasta Passportkasta ha wataane oo ciyaaro nuuceey doonaan ha ahaadee ugu amba baxaya wadanka dibadiisa in aysan ka bixin Garoonka Diyaaradaha ayadoo aysan ogayn Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Wararka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa qabatay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Dhallinyarada Aduunka 12 August 2023

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo Mogadisho ku qabatay Munaasabadda 12 August oo ah maalinta dhallinyarada Aduunka oo Caalamkoo dhan looga dabaal dago. Wasiirka Wasaaraada Dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, Wasiir ku xigeenka Marwo Fahma Axmed Nuur, Agaasimaha Guud Mr Cabdiraxiim Warsame Diiriye, Agaasima Waaxeedyada Wasaaradda, Qaar ka tirsan Shaqaalaha iyo in ka badan 150 dhalinyarada qaybahooda kala duwan ayaa goob-joog ka ahaa Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanadkan Halku-dhaggeedu ahaa Xirfadaha Cagaaran ee Dhallinyarada. Masuuliyiin kale oo ka kala socday laamaha dowladda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cali Xaaji Abuukar, Xildhibaan Dr Abdirashid Mohamed Jiley iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Ahmed Yusuf ayaa iyaguna qayb ka ahaa martidii munaasabadda ugu hambalyeeyay Dhallinyarada Soomaaliyeed kuna booriyay dhiraynta iyo bad baadinta deegaanka iyagoo ku booriyay inay dhallinyaradu qaataan kaalintooda hormuudnimo.

Wararka

Tartan loogu magac daray Halgamaa Hibaad Cali Dasar oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS iyo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Hirshabelle ayaa lagu soo gabogabeeyay Degmada Aadan-Yabaal

Tartan loogu magac daray Halgamaa Hibaad Cali Dasar oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS iyo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Hirshabelle ayaa lagu soo gabogabeeyay Degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ka mid ah degmooyinka qaddiimiga ah ee dhowaan laga xoreeyay cadowga Al-Shabaab. Tartanka oo dhammaadkiisii ay ku guulaysatay kooxda kubadda cagta ee Dayax ayaa looga golleeyahay in lagu abuuro jawi is-dhexgal iyo inay dhallinyaradu nabadda iyo xasiloonada degmada ka qaybgalaan maadaama sanado badan ay degmadu habsaan ku jirtay ay sababeen kooxaha Khawaarijta. Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka qaybgalay xiritaanka tartanka iyagoo dhallinyarada kula dardaarmay inay xoojiyaan farriinta nabadda iyo-is-dhexgalka dhallinyarada. Wasaaradaha dhallinyarada iyo ciyaaraha heer Federaal iyo dowlad goboleedka ee gobollada dhowaan laga xoreeyay cadowga argagixisada ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii loo jihayn lahaa dhallinyarada ku nool dhulkaas dhowaan la xoreeyay si aysan mar kale halis ugu noqo cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb galay Casho sharaf loo sameeyay kooxda Dowlada Hoose ee MCC oo lagu gudoonsiinaayay Koobkii Munaasabada maalintii Xoriyada ee 1-da Luuliyo ay kaga guuleysteen rigoorayaal kooxda Horseed

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb galay Casho sharaf loo sameeyay kooxda Dowlada Hoose ee MCC oo lagu gudoonsiinaayay Koobkii Munaasabada maalintii Xoriyada ee 1-da Luuliyo ay kaga guuleysteen rigoorayaal kooxda Horseed . Madaxda Gobolka ,Qaar ka mida golaha Wasiirada ,Madaxda Xiriirka Kubada cagta qaarkood iyo bahda isboortiga qaybahooda kala duwan ayaa ka qayb galay munaasabadaas casha sharafta ahayd. Wasiir Maxamed Barre ayaana ugu hambalyeeyay kooxda MCC guushaas wuxuuna ku dhiira galiyay dhamaan bahda ciyaaraha qiimaha isboortiga iyo in laga wada shaqeeyo horumarkiisa faaidada ay u leedahay dhallinyarada Soomaaliyeed.

Scroll to Top