Spread the love
Waxaa maanta lagu soo gabogabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Shirweynaha Cimillada ee dhallinyarada Afrika oo sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday halkaas.
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo hoggaaminayay wafdi balaaran oo dalkeenna ka socday oo ay ka mid ahaayeen qaar ka tirsan wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada qaarkood ayaa qayb ka ahaa intii uu shirku socday.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa shirka ka jeediyay khudbad ka turjumayso dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto ilaalinta kaymaha iyo la dgaaalanka nabaadguurka, wuxuuna wasiirku soo bandhigay qorshe balaaran oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu Federaalka Soomaaliya furay oo la dhaho SOOMAALIYADA CAGAARAN( GREEN SOMALIA).
shirkan ayaa hordhac u ah madaxda madaxweynayaasha Afrika ee berri ka furmaya Nairobi, waxaana shirka lala wadaagi doonaa baaqii dhallinyarada Afrika oo Soomaaliya ay wax badan ku darsatay.
Wararka