Iyadoo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku hawllantahay todobaadyadan sidii loo kobcin lahaa xirfadda shaqo ee Agaasimayaasha Waaxyaha iyo madax qaybeedyada ayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Marwo Fahmo Axmed Nuur oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye u fureen tababar la xiriira sida loo sameeyo Cilmi baarista ( research) wuxuu u furay dhammaan madax qaybeedyada wasaaradda.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa dhowaan qorshaynaysa inay bilowdo cilmi baaris la xiriirta dhowr mawduuc oo kala duwan sida Maandooriyaha iyo saamaynta xun uu dhallinyarada ku Leenahay, shaqo la’aanta iyo kaalinta ay ku leedahay inay dhalinyaradu qayb ka noqdaan rabshadaha hubaysan ( gun violence) iyo dhowr mawduuc oo kala, waxayna wasaaraddu hadda diyaarinaysaa hawlwadeenadii ka shaqayn lahaa Research-kala kala duwan.
Todobaadkii hore ayuu wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud tababar u furay maamulka sare ee Wasaaradda oo ay ku jiraan agaasimayaasha waaxyaha iyo la-taliyayaasha, waxaana ka soo horeeyay dhowr tababar oo sanadkan gudihiisa hawlwadeenada wasaaradda loogu qabtay xarumo kala duwan oo wasaaradda qorshayntu ku jirto.
Tababarkan waxaa bixinayay Dr Maxamed Cabdullaahi Tawakal oo ah khabiir dhanka cilmi baarista oo ka tirsan Akaadiimayadda Afka iyo dhaqanka waaxdeeda cilmi baarista.
Qorshaha madaxda wasaaradda ayaa ah in masuuliyiinta wasaaradda ee u adeegaya dhallinyarada Soomaaliyeed la diyaariyo xirfaddooda si ay uga soo dhalaalaan shaqada ay hayaan.