May 28, 2025

Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cagta caalamka, Samuel Eto’o oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo booqasho taariikhi ah ku yimid dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cagta caalamka, Samuel Eto’o oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo booqasho taariikhi ah ku yimid dalka.Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xidigahan booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo ka marag kacaysa amniga iyo dib u kabashada Soomaaliya, isagoo xusay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso horumarinta ciyaaraha.Munaasabaddan madaxtooyada waxaa ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda South Sudan Augustino Maduot Parek iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.Laacibiintaan oo kulan ciyaareed saaxiibtinimo kula ciyaaray Stadium Muqdisho shalay galab halyeeyadii kubada cagta Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ciyaartooyda ajaanibta ah ee dalka ka ciyaara ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in booqashada ciyaartooyda caalamiga ah ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ay ku qabto Soomaaliya iyo horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isdhex-galka Isboortiga iyo dhiirrigelinta dhallinyaradda.

Ciyaaro

kulankii kubadda cagta kooxaha Somali Legends iyo African Legends ee lagu soo dhaweynayay xiddigaha Afrika, sida Samuel Eto’o, Jay-Jay Okocha, iyo Emmanuel Adebayor ayaa kusoo dhamaatay 8-4 oo ay guushu ku raacday kooxda African Legends.

Ciyaarta waxaa daah fuday raiisul wasaaraha XFS Md. Xamse Cabdi Barre.Sidoo kale waxaa ciyaarta goobjoog ka ahaa gudoomiyaha xiriirka CECAFA , Gudoomiyaha Xiriirka Djibouti iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Dowlada .Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdiqaadir Cali, ayaa dhaliyay goolka koowaad ee ciyaarta asagoona soo bandhigay xirfadiisa kubadeed .Ciyaartan ayaa ahayd fursad lagu xoojinayo xiriirka isboorti ee u dhexeeya Isboortiga Soomaaliya iyo kan Afrika, iyadoo sidoo kale lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga qaybqaataan horumarinta ciyaaraha.

Scroll to Top