Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa Furay Aqoon-is-weydaarsiga dhameystirka mashruuca YOU-ACT oo ay soo agaasintay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Aqoon-is-weydaarsiga dhameystirka mashruuca YOU-ACT oo ay soo agaasintay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Ayadoo laga duulaayo muhiimadda ay leedahay in mashaariicda la fulinaayo ay noqdaan kuwa waara, sidoo kalena saameyn dheer ku yeesha bulshada, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle iyo hey’adaha FAO, IOM iyo UN Peacebuilding Fund, waxa ay qabatay Aqoon-is-weydaarsi ku aaddan sidii uu mashruuca YOU-ACT u noqon lahaa mid saameyn waarta ku yeesha bulshada Jowhar ee uu mashruuca xoogga saarayay. Kulanka oo uu si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Axmed Yuusuf ayaa waxaa kasoo qeybgalay hey’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda iyo Ururada Dhallinyarada. Kulanka oo si qoto dheer looga dooday tallaabooyinka haboon ee xiga ee ku aaddan mashruuca YOU-ACT ayaa waxa ay dhallinyarada sameeyeen soo jeedino waxgal ah.