Wararka

Munaasabadda daahfurka Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo uu ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda daahfurka Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo uu ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa Wasiirku ka hadlay muhiimadda ay leedahay in dalka uu yeesho sharci u gaar ah da’yarta, kaas oo ay Wasaaraddu iyo carruurta Soomaaliyeed baahi weyn u qabaan. “Waxaa soo noqnoqda kiisaska lagu waxyeelleeyo carruurta iyo da’yarta Soomaaliyeed. Dhanka kale, waxaa qaati laga taagan yahay mararka qaar da’yar u soo baxa inay fowdo ka abuuraan goobaha la isugu yimaado, sida garoomada iyo waddooyinka, iyagoo wata agabyo khatar ku ah naftooda iyo dadka kaleba. Taasi waxay kuu muujinaysaa inay ka luntay abaabintii iyo hagitaankii saxda ahaa, in la helo sharci ilaalinaya da’yarta, isla markaana dadka ay dhibaataynayaan ka ilaalinaya, waa arrin aad u wanaagsan,” ayuu yiri Wasiirku. Shirkan lagu daahfuray Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo Wasiirku marti ku ahaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay wasiirro uu hoggaaminayay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallin iyo sidoo kale bahda caddaaladda, hay’adaha xuquuqul insaanka, Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. “Soo saarista sharcigan waa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa dowladnimada, sareynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda da’yarta Soomaaliyeed,” ayuu intaas ku daray Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali.