Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta Wasaaradda.
Xilka ayuu kala wareegay ku-simihii Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Waaxda Horumarinta Ciyaaraha Mudane Saadaq Axmed kaas oo muddadii uu xilka hayay si ku-meel-gaar ah u gutay waajibaadkiisa shaqo.
Munaasabadda xil-wareejinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud iyo howladeenada wasaaradda kuwaas oo si diirran usoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee cusub waxaana laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn, hufnaan iyo dardargelinta howlaha Wasaaradda.
Mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay baahida loo qabo horumarinta adeegyada dhallinyarada iyo kobcinta ciyaaraha dalka, iyagoo u rajeeyay Agaasimaha Guud ee cusub guul iyo Alle-fudayd gudashada mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.
Dhankiisa, Mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa uga mahadceliyay madaxda Wasaaradda kalsoonida ay siiyeen, wuxuuna ballanqaaday inuu xoogga saari doono horumarinta howlaha Wasaaradda iyo hirgelinta siyaasadaha lagu taageerayo dhallinyarada iyo ciyaaraha.
Scroll to Top