Ciyaar kubada koleyga ah oo ka dhacday garoonka Wiish Ex-Luujino ayeey kooxda Horseed kaga badisay 46 gool dhiggeeda Heegan oo la timid 35 gool. Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa qayb ka ahayd toddobaadka loo asteeyay munaasabadda caalamiga ah ee nabadda iyo horumarka isboortiga, taas oo diiradda lagu saarayo doorka weyn ee ciyaaruhu ku leeyihiin nabad-dhisidda iyo horumarka bulshada.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Cabduqaadir Cali iyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobe kuwaas oo ay wehliyeen bahda ciyaaraha iyo marti sharaf kale. Ka soo qaybgalka masuuliyiintan ayaa xoojinaya muhiimadda ay dowladdu siinayso horumarinta isboortiga iyo kaalinta uu ku leeyahay mideynta bulshada.
Toddobaadkan xuska ah oo maantay maalintiisii labaad galay ayaa la filayaa in la qabto ciyaaro kala duwan oo kor u qaadaya ka qaybgalka dhalinyarada, isla markaana dhiirrigelinaya wadajirka iyo isdhexgalka bulshada ayadoo munaasabaddan ay fariin cad u dirayso bulshada, taas oo ah in isboortigu yahay awood lagu gaari karo nabad, horumar iyo mustaqbal ifaya.









