๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐›๐ง๐ข๐๐š ๐๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ฑ๐š๐ฒ
๐Œ๐จ๐ ๐š๐๐ข๐ฌ๐ก๐ฎ ๐Ÿ๐Ÿ ๐€๐ฉ๐ซ๐ข๐ฅ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ‘:- Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galayay af-fur wadareed ay lahaayeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka soo baxay Jaamacadaha dalka Uganda ayaa bogaadiyay isku xirnaantooda.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa tilmaamay inuu dalkeennu u jihaysanyahay dhinaca xisbiyada badan iyo inay israacaan koox walba oo isku taariikh ah, haddii ay isku jaamacado ama isku xaafado ahaayeen taasoo meesha ka saaraysa qaabkii awal la isugu xirnaa oo ahaa nidaamka qabaliga, wuxuuna dhallinyarada Uganda ka soo baxay kula dardaarmay inay hormuud ka noqdaan isku xirnaanta nooocaas ah ee ay haddaba wadaan.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo isaga laftiiisu ka mid ahaa dhallinyarada wax ku soo bartay Uganda, markii danbena ganacsi guulaystay ka hirgeliyay ayaa caddeeyay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee Uganda yimaada ay kaga duwanaayeen dalalka kale ee bariga Afrika in dalkaas Tacliin uun loo soo doonan jiray markii hore.
Dhallinyarada Uganda wax ku soo bartay ee ka soo qayb-galay af-fur wadareedka ayaa ka kala tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay taasoo muujinaysa in aqoonyahankii dalka ku soo laabtay ay qayb ka yihiin dib u dhiskiisa.

 

Scroll to Top