Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb-galay casho sharaf sagootin ah oo loo samaynayay xulka qaranka 17-jirrada dalkeenna oo u safraya dalka Algeria

Spread the love
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb-galay casho sharaf sagootin ah oo loo samaynayay xulka qaranka 17-jirrada dalkeenna oo u safraya dalka Algeria si ay uga soo qayb-galaan tartanka koobka Afrika ee qaramada U17.
Xulkeenna qaranka ee U17 ayaa dhammaadkii sanadkii hore kaalinta koowaad ku soo baxay isreeb-reebkii bariga iyo bartamaha Afrika taasoo u saamaxday inay si xarago leh sanadkan uga qaybgalaan tartanka wadamada Afrika.
Wasiirka waxaa kala qaybgalay munaasabadda sagootinta masuuliyiin ka kala tirsan labada gole ee baarlamaanka iyo fulinta dowladda, agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo ugu horeeyo guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed( Shiine), macalimiinta kooxda iyo masuuliyiin kale.
Wararka