Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa furay tababar la xiriira maamulka oo ay ka faa’iidaysanayaan macalimiinta, iyo qaybaha maamulka ee kooxaha ka ciyaara dalka ee ka kala tirsan xiriirrada kala duwan.
Tababarkan waxaa bixinayay Macalin Maxamed Axmed Tarabi oo ah khabiir Soomaaliyeed oo in muddo ah ku soo dhex jiray tababarka macalimiinta iyo maamulka kooxaha.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha oo furitaankii tababarkan la hadlay dhinacyada ka faa’iidaysanaya ayaa tilmaamay inuu yahay kii horeeyay ee noociisa ah ee wasaaraddu qabato, isagoo intaas raaciyay inuusan noqon doonin kii ugu danbeeyay oo ay wadi doonaan tababarrada noocan oo kale ah s i kor loogu qaado tayada maamulayaasha iyo macalimiinta kooxaha.