Kulanka wadatashiga iyo ansixinta siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maantay ka furmay magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir xilli lagu wado inuu maalinta bari ah sidoo kale ka dhaco xarumaha Maamul Goboleedyada Dalka.
Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada oo lagu wado in dhawaan la hor geeyo Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya si ay u ansaxiyaan ayeey wasaaradu ugu tala gashay kulankaan maantay iyo kulamada kale ee Maamul Goboleedyada inay ka tala baxsadaan dhalinyarada si ay u noqoto siyaasad Qaran oo ay u dhan yihiin Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo daah furay kulanka ayaa waxaa ku wehliyay masuuliyiin ay ka mid yihiin , Agaasimaha Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha , Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir, Agaasimaha Xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee Madaxweynaha , Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Marti sharaf kale iyo qaar ka mid ah Dhallinyarada hormuudka u ah Caasimada kuwaas oo falanqaynayay Qodobada Siyaasada Qaran ee Dhalinyarada .
Ujeedka ugu weyn ayaa ah in la helo siyaasad Qaran oo ay leeyihiin Dhallinyarada Soomaaliyeed.