Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo gabogabaysay shirka wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed qaybta Galmudug, iyadoo horay wadatashiyo noocan ah loola soo sameeyay Dhallinyarada dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle.
Agaasimaha waaxda sharciyada Wasaaradda Xasan Sh. Cabdi Abuubaka( Codey) oo Dhallinyarada Galmudug kala qayb-galay Shirweynaha ansixinta iyo wadatashiga siyaasadda Qaran ayaa sharaxaad ka siiyay meelaha ay xoogga saarayso siyaasaddu afarta sano ee soo socota.
Hormuudka dhallinyarada Galmudug oo ka kala yimid magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Guriceel iyo degmooyin kale ayaa ka soo qayb-galay shirka wadatashiga ee dhallinyarada Galmudug ay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ugu qabatay Gaalkacyo.
Dhowaan ayaa la filayaa in golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay meel mariyaan siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo wasaaraddu ku tallo jirta in dhammaan dowlad goboleedyada iyo dhallinyarada qurbaha ra’yigooda la maqlo intaan golaha la hor gayn.



