Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Aways Maxamed Xuseen ayaa soo gabo-gabeeyay kulanka wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lala yeelanayay dhallinyarada dowlad goboleedka Jubbaland.
Intii ay socdeen doodaha la xiriira ra’yiga dhallinyarada Jubbaland ee siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa iyaguna goob-joog ahaa masuuliyiinta ka kala socday labada gole ee Jubbaland iyo hormuudka dhallinyarada Jubbaland.
kulamada noocan ah oo horay uga soo dhacay magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle kana dhici doona dowlad goboleedyada dhimman ayaa qorshuhu yahay in ay dhallinyaradu ka tala bixiyaan siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Aways Maxamed Xuseen ayaa ku ammaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo wasiirkeeda Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud sida ay xil isaga saarayso in la maqlo aragtida dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed intaan golaha wasiirrada la horgayn si ay ansixiyaan.
Axmed Nuur Xiirey oo ah agaasimaha waaxda Qorshaynta wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo ku matalayay wasaaradda shirka wadatashiga iyo ansixinta Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada ayaa kulanka ka sheegay in ujeedada wasaaraddu tahay in ra’yiga dhallinyarada Soomaaliyeed la dhegaysto intaan la ansixin siyaasadda qaran maadaama ay tahay mid iyaga lagu dhaqi doono.