Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Dr’s. Fahma Ahmed Nur ayaa ka qeyb-gashay munaasabad ku qabsoomtay degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidammada, laguna dhiirri gelinayey Hay’adaha Amniga iyo Kuwa Arrimaha Bulshada ayaa u gudoontay Wasaaradda Abaal marinta ka shaqeynta Amniga iyo Ladagaalanka Argigisada caasimada Maadaaama ay Dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin Udub dhexaadka Guud ahaan
Howlaha Amniga kasocda Soomaaliya kaasoo dib loogu xureynayo Wadanka.
Dr’s. Fahma Ahmed Nur ayaa ku ammaantay Guud ahaan Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka hortagay falal amni darro, gacanna ka geystay in la soo qabto dhagar-qabeyaal u maleegayey shacabka hagardaamooyin, waxa ayna xustay in amniga caasimadda ee la hagaajiyey ay sabab u tahay wadashaqeynta Dhallinyarada iyo Dowladda.