Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa ka qayb-galay furitaanka tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Tartankan waxaa ka qayb-gelaya 17 degmo oo gobolka Banaadir ah, sadex deegaan iyo degmada Balcad.
Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo masuuliyiin kale ayaa goob joog ahaa furitaanka tartankan oo muhiimad gooni ah iyo xamaasad dheeraad ah wata.
Kooxda Degmada Balcad iyo Kooxda Degmada Dharkeenley ayaa tartankan lagu furay, kuwaas oo garoon Stadium Eng Yariisoow kusoo bandhigay ciyaar xiisa badan.