Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa tababar sare loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda  usoo xiray qaar ka mid ah hawlwadeenada Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa tababar sare loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda usoo xiray qaar ka mid ah hawlwadeenada Wasaaradda.

Spread the love

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa tababar sare loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS usoo xiray qaar ka mid ah hawlwadeenada Wasaaradda.

Tababarkan oo socoday muddo sadex (3) maalin ah ayaa diiradda lagu saarey qorsheynta, Kormeerka & Qiimeynta mashaariicda horumarineed iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad ee dalka (2020-2024).

Agaasimaha guud waxaa kala qayb-galay Xiritaanka tababarka saraakiil ka tirsan wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo ka taageeray Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS tababarkan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa uga mahadceliyay wasaaradda Qorsheynta tababarkan faa’iidada badan u leh hawlwadeenada wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha isagoo kula dardaarmay xubnaha ka faa’iidaystay inay ku dabaqaan shaqadooda xirfadaha ah kororsadeen

 

 

Wararka