Wararka

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo magaalada Amman ee dalka Jordan kaga qeybgalay daah-furka istaraatiijiyadda carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ayaa waxa uu kulan la qaatay dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalka Jordan.

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo magaalada Amman ee dalka Jordan kaga qeybgalay daah-furka istaraatiijiyadda carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ayaa waxa uu kulan la qaatay dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalka Jordan. Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha horumarinta dhallinyarada iyo cayaaraha. Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalka Jordan Yazan Shdeifat ayaa ka warbixiyay sida ay sanadkaan Amman u martigelisay dhallinyarada Carabta oo sanadkaan caasimadooda loo doortay dalka Amman. Wasiir Maxamed Cabdulqaadir ayaa dhigiisa kaga mahadceliyay soo dhoweynta quruxda badan oo ay dowladda Jordan u sameesay asaga iyo wafdigiisa iyo sida ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalka Jordan ugu howlantahay awoodsiinta Dhallinyarada Carabta.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Amman ee xarunta dalka Jordan si uu kaga qeybgalo daahfurka istaraatiijiyadda carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (Arab Strategy for Youth, Peace and Security).

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Amman ee xarunta dalka Jordan si uu kaga qeybgalo daahfurka istaraatiijiyadda carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (Arab Strategy for Youth, Peace and Security). Wasiirka ayaa ka qeybgalay munaasabadda daahfurka istaraatiijiyadda oo ay kasoo wada qeybgaleen wasiirrada Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalalka Carabta. Magaalada Amman ayaa sidoo kale sanadkaan noqotay caasimadda dhallinyarada Carabta. Wasiirka inta uu joogo magaalada Amman, waxa uu kulamo la qaadan doonaa wasiirrada dhiggiisa ah iyo hey’adaha caalamiga ah si uu warbixin kaga siiyo qorshaha Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga Soomaaliya oo heer gabogabo ah maraayo.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir gudoomiyay shirka Guddiga sare ee Mashruuca YOU-ACT (YOU-ACT Project Steering Committee Meeting) oo maanta qabsoomay.

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir gudoomiyay shirka Guddiga sare ee Mashruuca YOU-ACT (YOU-ACT Project Steering Committee Meeting) oo maanta qabsoomay. Shirkaan oo ah mid 3dii billood mar la qabto ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka iyo qorshayaasha mashruuca. Wasiirka Wasaaradda oo daahfuray shirka ayaa ka hadlay muhiimadda uu mashruucan u leeyahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Jowhar oo ah goobta laga fulinaayo mashruuca. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS kaga qeybqaadatay fulinta qeybo ka mid ah barnaamijyada mashruucaan. Shirka waxaa kasoo qeybgalay hey’adaha fulinaaya mashruuca, deeq bixiyayaasha iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Hirshabeelle Maxamed Xuseen Ceynte. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Jamaal Abdullahi Mohamed oo soo xiray kulanka ayaa kaga mahadceliyay masuuliyiinta kasoo qeybgashay kulankaan muhiimka ah asagoo adkeeyay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ay diyaar u tahay inay doorkeeda si fiican kaga qaadato fulintaan mashruucaan. Photo by: Abdirahman Ali Ahmed (Shaataa)

Wararka

Doorka Soomaaliya ee Awoodsiinta Dhallinyarada Gobolka IGAD

Doorka Soomaaliya ee Awoodsiinta Dhallinyarada Gobolka IGAD Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Jamaal Cabdullaahi Maxamed iyo La-taliyaha Sare ee Barnaamijyada iyo Istaraatiijiyadda ee Wasaaradda Saadaq Axmed Cabdulle ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkan oo diiradda lagu saaray hirgelinta Khariidadda Siyaasadeed ee Dhallinyarada IGAD (Roadmap to the implementation of the IGAD Youth Policy) ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dalalka xubnaha ka ah IGAD ee ku aadan awoodsiinta dhallinyarada iyo kobcinta ka qaybgalka siyaasadeed, dhaqaale, iyo mid bulsho. Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha in ay door muuqda ka qaadato horumarinta iyo difaaca danaha Dhallinyarada gobolka IGAD.

Wararka

Kulan muhiimadiisu uu ahaa sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hay’adaha isboortiga dalka iyo Wasaaradda loona xoojin lahaa taageerada farsamo iyo mida maamul ee xulalka qaranka iyo howlaha horumarinta guud ee isboortiga dalka ayuu Wasiirka Wasaraadda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali la yeeshay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee (GOS) iyo Xirriirada Isboortiga dalka .

Kulan muhiimadiisu uu ahaa sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hay’adaha isboortiga dalka iyo Wasaaradda loona xoojin lahaa taageerada farsamo iyo mida maamul ee xulalka qaranka iyo howlaha horumarinta guud ee isboortiga dalka ayuu Wasiirka Wasaraadda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali la yeeshay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee (GOS) iyo Xirriirada Isboortiga dalka . Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa ballanqaaday in Wasaaradda si buuxda u garab istaagi doonto GOS iyo xiriirrada isboortiga, isagoo sidoo kale sheegay in la xoojin doono la xisaabtanka hawlaha xiriirrada si loo hubiyo hufnaanta iyo waxqabadka hay’adaha isboortiga. Masuuliyiinta Guddiga Olombikada iyo qaar ka mid ah xiriirrada isboortiga oo kulanka ka jeediyay warbixino ku saabsan halka ay marayaan howlaha isboortiga ayaa tilmaamay inay dardargelin doonaan iyagana dhankooda horumarinta Ciyaaraha. Kulankan ayaa muujinaya dadaalka ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ugu jirto horumarinta isboortiga dalka, taas oo la filayo inay horseedo kobaca isboortiga iyo kor u qaadista magaca Soomaaliya ee caalamka.

Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cagta caalamka, Samuel Eto’o oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo booqasho taariikhi ah ku yimid dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cagta caalamka, Samuel Eto’o oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo booqasho taariikhi ah ku yimid dalka.Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xidigahan booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo ka marag kacaysa amniga iyo dib u kabashada Soomaaliya, isagoo xusay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso horumarinta ciyaaraha.Munaasabaddan madaxtooyada waxaa ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda South Sudan Augustino Maduot Parek iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.Laacibiintaan oo kulan ciyaareed saaxiibtinimo kula ciyaaray Stadium Muqdisho shalay galab halyeeyadii kubada cagta Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ciyaartooyda ajaanibta ah ee dalka ka ciyaara ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in booqashada ciyaartooyda caalamiga ah ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ay ku qabto Soomaaliya iyo horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isdhex-galka Isboortiga iyo dhiirrigelinta dhallinyaradda.

Scroll to Top