Wararka

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb galay Casho sharaf loo sameeyay kooxda Dowlada Hoose ee MCC oo lagu gudoonsiinaayay Koobkii Munaasabada maalintii Xoriyada ee 1-da Luuliyo ay kaga guuleysteen rigoorayaal kooxda Horseed

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb galay Casho sharaf loo sameeyay kooxda Dowlada Hoose ee MCC oo lagu gudoonsiinaayay Koobkii Munaasabada maalintii Xoriyada ee 1-da Luuliyo ay kaga guuleysteen rigoorayaal kooxda Horseed . Madaxda Gobolka ,Qaar ka mida golaha Wasiirada ,Madaxda Xiriirka Kubada cagta qaarkood iyo bahda isboortiga qaybahooda kala duwan ayaa ka qayb galay munaasabadaas casha sharafta ahayd. Wasiir Maxamed Barre ayaana ugu hambalyeeyay kooxda MCC guushaas wuxuuna ku dhiira galiyay dhamaan bahda ciyaaraha qiimaha isboortiga iyo in laga wada shaqeeyo horumarkiisa faaidada ay u leedahay dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay daahfurka bandhigga farshaxanka oo lagu soo lagu qabtay Madxafka Qaranka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay daahfurka bandhigga farshaxanka oo lagu soo lagu qabtay Madxafka Qaranka, waxaana ka qaybgagalay 18 farshaxan oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisa ka kala yimid. Wasiirka wasaaradda Mudane Xil Mohamed Bare Mohamud ayaa kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee farshaxanka la soo bandhigay isagoo ku booriyay in la joogteeyo bandhigyada noocan ah si dadka soo booqanaya Madxafka Qaranka ay u arkaan taariikhda iyo dhaqankeenna hodanka ah. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb-galay kulanweyne lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee hal-abuurka dhallinyarada oo lagu soo bandhigay hal-abuur isugu jira farshaxan iyo hindisayaal cusub oo ay la yimaadeen dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa si uu u dhiirri-geliyo dhallinyarada wuxuu isdul taagay miis walba isagoo ka iibsaday farshaxanka iyo sawirrada ay soo bandhigeen, wuxuuna ku dhiirigeliyay ka soo qaybgalayaasha kale inay ka iibsadaan dhallinyarada fikirka ay soo bandhigeen si ay uga dabbarto kharashaadka daabacadda iyo qalabka ay ku isticmaalaan farshaxanka

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdigiisa shaqada u joogay dalka Kenya ayaa la kulmay dhiggiisa Kenya Hon Ababu-Terrah Egh, waxayna ka wada hadleen iskaashi dhex mara labada dhinac.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdigiisa shaqada u joogay dalka Kenya ayaa la kulmay dhiggiisa Kenya Hon Ababu-Terrah Egh, waxayna ka wada hadleen iskaashi dhex mara labada dhinac. Wasiir Maxamed Barre oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedyada dalkeenna qaarkood iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa kala hadlay dhiggiisa Kenya xoojinta xiriirka labada dhinac gaar ahaan Dhallinyarada iyadoo labada dal ay is-dhaafsan doonaan tartamo saaxiibtinimo iyo iswaydaarsiga khibradda labada dal. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa magaalada Nairobi kaga qaybgalay shirweynaha Cimillada Afrika oo ay ka soo qaybgaleen kumanaan ergo ah oo Afrika ka kala timid ayna ku jiraan hoggaamiyayaal wadamada qaarkood, Wasiiro iyo ururrada dhallinyarada Afrika oo kuwa deegaanka u dhaqdhaqaaqa ugu horreeyaan.

Wararka

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gaba-gaboobey Shirweynihii sagaalaad Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeybgalay ergooyin matalaaya dhallinyarada Soomaaliyeed

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gaba-gaboobey Shirweynihii sagaalaad  Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeybgalay ergooyin matalaaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka kala yimid dhammaan Gobolada Dalka iyo Wadanka dibadiisa (Ergada Dhalinyarada Puntlad, Koonfurgalbeed, Jubaland, Hirshabeelle, Galmudug, Gobolka Benaadir, Ergada Dhallinyarada Qurbajoogta, Ergada Dhallinyarada Baahiyaha gaarka ah qaba iyo Qaar ka mid ah Ergada Ururada iyo Dalladaha Madaxa bannaan, shirka waxaana si rasmi ah u daah-furay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamsa Cabdi Barre, waxaana oo xiray…….raisal warsaare ku xigeenka xukuumada federalka somaliya mudane SALAH JAMA

Wararka

Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed 2023 oo maalintiisa labaad ka soconaayo Magaalada Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo maalintiisa labaad ka soconaayo Magaalada Muqdisho Waxaa fursad gaar ah la siiyey Dhallinyarada Baahiyaha gaarka qabo, waxaana loo qabtay Dood u gaar ah, waxaana su’aalo weediiyey dadka ka soo qeybgalay Shirweynaha, Maalintii labaad waxaa Magaalada Muqdisho ka soconaayo Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo sanadkaan 2023 ay ka qeybgalayaan in ka badan 500 oo dhalinyaro oo ka yimid gudaha iyo dibadda, waxaana shalay si rasmi ah u daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Scroll to Top