Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ee wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ay qaban qaabadiisa wado, hadalkan ayuu Madaxweynuhu ka jeediyay munaasabadda xuska 80 guuradii aasaaskii SYL oo ay qabatay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ayna ka soo qaybgaleen in ka badan 1000 dhallinyaro ah iyo masuuliyiinta labada gole ee dowladda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa dhallinyarada uga jawaabay su’aalo la xiriiray fursadaha dhallinyarada iyo caqabadaha jira, waxaana dhallinyaradaas ka mid ahaa kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo iyagana ay wasaaraddu ku marti qaaday munaasabadda.
Madaxweynaha ayaa balanqaaday in dowladdiisu ay muhiimad gooni ah siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo ku ammaanay kaalinta ay ku leeyihiin halganka dib u xoraynta dalka.
Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa furmi doona 20 bishan wuxuuna socon doonaa sadex maalmood, waxaana lagaga doodi doonaa qadiyadaha muhiimka ah ee horyaala dhallinyarada Soomaaliyeed.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha ayaa si joogta ah uga shaqaynaysa siduu shirkaasi u noqon lahaa mid guulaysta.