Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Magaalada Muqdisho.

Spread the love

(Muqdisho – May 20, 2023)……Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo muddo saddax maalmood ah ka socondoono 20-21-20 May 2023, waxaana ka qeybgalaya in kabadan 500 oo dhalinyaro oo kakala yimid Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Wadanka Dibadiisa.

Shirweynaha inta uu socodo waxaa lagu soo bandhigayaa daraasado laga diyaariyey Dhalinyarada, Muuqaalo ka hadlaya Waxqabadka Wasaaradda, Muhiimadda loo qabtay Shirweynaha iyo khdubado ay jeedindoonaan madaxda Dalka.

Ra”isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed waxa uuna sheegay…… “ Waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradda Soomaaliyeed ay dowladda Kala qayb qaataan sidii looga gudbi lahaa nidaamka afar dhibic Shan (4.5) kaas oo caqabad ku ah horumarka iyo dowladnimada dalka”…..

Wasiirka Dhalliyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud oo sidoo kale ka hadlay Daahfurka Shirka ayaa Sheegay in Wasaaradda ay xil gaar ah iska saartay qabsoomidda Shirkaan…..“ Wasaarada Dhallinyaradda Cayaaraha waxa ay u Mahad celinaysaa dhallinyaradda Soomaliyeed ee aqoontooda iyo xirfadoodaba uga qeyb qaatay diyaarinta Siyaasadda qaran ee dhalinyaradda Soomaaliyeed oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiiradda Xukuumada Federaalka Soomaaliya”….ayuu yiri Wasiir Barre.

Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed Sanadkaan 2023 waxaa hal ku-dhig u ah “Dhalinyaro heshiish ah, Hishiishna ku ah danta Qaranka iyo dib-u-dhiska Dalka”

Wararka