Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayay oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah wasiirada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedyada ayaa ka qayb galay furitaanka shirka cimilada dhallinyarada Afrika oo maantay ka dhacay Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayay oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah wasiirada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedyada ayaa ka qayb galay furitaanka shirka cimilada dhallinyarada Afrika oo maantay ka dhacay Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Shirkaan oo uu daah furay Madaxweynaha wadanka Kenya William Ruto ayaa gogol xaar u ah shirka madaxda Afrika ee lagaga tashan doono dhibaatada isbeddelka Cimillada oo Afrika saamayn togan ku leh waxaana goob joog ka ahaa madax ka kala socotay dowladaha Afrika iyo hay’ado caalami ah. Wasiir Maxamed Barre oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay furitaanka shirkaan ayaa ka hadlay Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa Afrikaba doorka ay ku leeyihiin la dagaalanka isbadalka cimilada . Shirkaan Cimilada Dhallinyarada Afrika ayaa wajigiisa koowaad waxa uu socon doona mudo sadex maalmood ah waxaana xoogiisa diirada lagu saari doonaa habka ay dhallinyarada uga qayb qaadan lahaayeen la dagaalanka isbadalka cimilada oo saamayn ba’an ku haysa dunida oo dhan halka wajigiisa labaadna uu bilaaban doono 4ta September

Wararka

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa casho sharaf sagootin ah u sameeyay xulka qaranka 17-sano jirsaday.

Wasiirka ayaa mudadii uu xafiiska joogay waxa uu ku nuuxnuuxsaday kor u qaadista ciyaaraha iyo dayactirka garoomada. Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa casho sharaf sagootin ah u sameeyay xulka qaranka 17-sano jirsaday. Wasiirka oo fulinaya ballantii uu qaaday, ayaa u duulay Addis Ababa, si uu u dhiirri-geliyo kooxdayada, wuxuuna ugu dambeyn wasiirku ku wareejiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Guusha koobkani waxay ahayd dhacdadii ciyaaraha ee ugu waynayd ee lagu xasuusto

Scroll to Top