Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta wasaaradda kula kulmay wafdi ay hoggaamineysay Xoghayaha Guud iyo Madaxa Hey’adda LM international Marwo Josephine Sundqvist.

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta wasaaradda kula kulmay wafdi ay hoggaamineysay Xoghayaha Guud iyo Madaxa Hey’adda LM international Marwo Josephine Sundqvist. Hey’adda LM international oo ah hey’ad caalami ah oo ka shaqeysa arrimaha nabad-dhisidda iyo horumarinta dhallinyarada ayaa waxa ay Wasaaradda kala hadleen barnaamijyada hal-abuurka & xirfadsiinta dhallinyarada iyo awoodsiinta dhallinyarada ee arrimaha nabadda iyo amniga. Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla gartay sidii looga wadashaqeyn lahaa fulinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo helidda xarun dhallinyaro oo ka shaqeysa xirfadsiinta dhallinyarada.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan kula qaatay Md. George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isuduwaha Gargaarka iyo Arrimaha Bani’aadamnimada (UNTMIS), oo uu wehliyo Md. Martti Karttunen, Iskuduwaha Dhallinyarada ee Xafiiska DSRSG/RC/HC.

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan kula qaatay Md. George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isuduwaha Gargaarka iyo Arrimaha Bani’aadamnimada (UNTMIS), oo uu wehliyo Md. Martti Karttunen, Iskuduwaha Dhallinyarada ee Xafiiska DSRSG/RC/HC. Kulanka intii uu socday, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa soo bandhigay howlaha muhiimka ah ee wasaaraddu iyo mudnaanta istiraatiijiyadeed ee ay diiradda saarayso, gaar ahaan arrimaha horumarinta dhallinyarada. Dhinaca kale, Md. Goerge Conway ayaa carabka ku adkeeyay in dhinacooda ay mudnaan buuxda siin doonaan arrimaha dhallinyarada iyo awoodsiintooda sidoo kalena ay si dhow arrimahaas kala shaqeyn doonaan Wasaaradda. Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda ayaa Md. George Conway iyo wafdigiisa kaga mahadceliyay kulankooda iyo booqashadooda xarunta Wasaaradda.

Wararka

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS oo Ka Qayb-Galay Xafladda Qori-Tuurka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir 2025 ee Muqdisho

Waxaa galabta Muqdisho ka qabsoomay Xaflada Qori-Tuurka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir ee sannadka 2025 oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho. Xaflada ayaa waxaa ka qayb-galay bahda isboortiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada iyadoo ay goob joog ahaayeen masuuliyiin ka socday Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Degmooyinkiisa, Halyeeyada Nabada iyo marti sharaf kala duwan. Masuuliyiintii xaflada ka hadlay ayaa boggaadiyay, sidoo kalana soon dhaweeyay qabashada tartankan iyagoo u mahad celiyay dhammaan dadkii iyo hay’adaha ka shaqaynaya qabsoomida Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir ee 2025.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay madaxa Hey’adda UNFPA ee Somalia Marry Otieno.

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay madaxa Hey’adda UNFPA ee Somalia Marry Otieno. Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee xuska maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka (12 August) iyo barnaamijyada kale ee horumarinta dhallinyarada. Labada dhinac ayaa isku afgartay in la xoojiyo wadashaqeynta sidoo kalena sare loo qaado barnaamijyada horumarinta dhallinyarada.

Wararka

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xil. Dahabo Susow Mohamud ayaa maanta si rasmi ah u daah furtay Tababar aqoon korarsi ah oo loo qabtay 34 garsoore oo dumar ah.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xil. Dahabo Susow Mohamud ayaa maanta si rasmi ah u daah furtay Tababar aqoon korarsi ah oo loo qabtay 34 garsoore oo dumar ah. Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xirfadda garsoorayaasha haweenka si ay door muuqda uga qaataan horumarka kubadda cagta dalka. Munaasabadda daah-furka tababarkan waxaa goob joog ka ahaa: Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Guddoomiye ku xigeennada, Xog-haya guud ee Xiriirka iyo Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka. Ugu dambeyn, Wasiir Dahabo ayaa la dardaarantay garsoorayaasha dumarka ah ee tababarka uu u furmay, sidoo kale waxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uga mahad celisay kaalintooda kaga aaddan horumarinta isboortiga Dalka.

Wararka

The director general of the ministry Mr. Jamal Abdullahi Mohamed along with the director of the planning department of Hamze attended a meeting with the United Nations agencies operating in Somalia and DFS, which was organized by the Ministry of Planning, Investment and Economic Development XFS.

The director general of the ministry Mr. Jamal Abdullahi Mohamed along with the director of the planning department of Hamze attended a meeting with the United Nations agencies operating in Somalia and DFS, which was organized by the Ministry of Planning, Investment and Economic Development XFS. The aim of the meeting which was opened by the deputy prime minister of XFS Mr. Salah Ahmed Jaamac was to prepare the plans of the United Nations agencies for the next 5 years and discussed as the plan of the national change of NTP 9 and the plan of the UN agencies for the coming 5 years. They would be for the same compatriots. The Ministry of Youth and Sport XFS has presented its plans for youth development programs and how they are part of the national change plan by urging the United Nations agencies to give special importance to youth programs and infrastructure for sports development.

Scroll to Top