Tartan loogu magac daray Halgamaa Hibaad Cali Dasar oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS iyo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Hirshabelle ayaa lagu soo gabogabeeyay Degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ka mid ah degmooyinka qaddiimiga ah ee dhowaan laga xoreeyay cadowga Al-Shabaab.
Tartanka oo dhammaadkiisii ay ku guulaysatay kooxda kubadda cagta ee Dayax ayaa looga golleeyahay in lagu abuuro jawi is-dhexgal iyo inay dhallinyaradu nabadda iyo xasiloonada degmada ka qaybgalaan maadaama sanado badan ay degmadu habsaan ku jirtay ay sababeen kooxaha Khawaarijta.
Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka qaybgalay xiritaanka tartanka iyagoo dhallinyarada kula dardaarmay inay xoojiyaan farriinta nabadda iyo-is-dhexgalka dhallinyarada.
Wasaaradaha dhallinyarada iyo ciyaaraha heer Federaal iyo dowlad goboleedka ee gobollada dhowaan laga xoreeyay cadowga argagixisada ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii loo jihayn lahaa dhallinyarada ku nool dhulkaas dhowaan la xoreeyay si aysan mar kale halis ugu noqo cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.