Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa qabatay Munaasabad lagu xusayey  Maalinta Dhallinyarada Aduunka 12 August 2023

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa qabatay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Dhallinyarada Aduunka 12 August 2023

Spread the love
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo Mogadisho ku qabatay Munaasabadda 12 August oo ah maalinta dhallinyarada Aduunka oo Caalamkoo dhan looga dabaal dago.
Wasiirka Wasaaraada Dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, Wasiir ku xigeenka Marwo Fahma Axmed Nuur, Agaasimaha Guud Mr Cabdiraxiim Warsame Diiriye, Agaasima Waaxeedyada Wasaaradda, Qaar ka tirsan Shaqaalaha iyo in ka badan 150 dhalinyarada qaybahooda kala duwan ayaa goob-joog ka ahaa Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanadkan Halku-dhaggeedu ahaa Xirfadaha Cagaaran ee Dhallinyarada.
Masuuliyiin kale oo ka kala socday laamaha dowladda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cali Xaaji Abuukar, Xildhibaan Dr Abdirashid Mohamed Jiley iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Ahmed Yusuf ayaa iyaguna qayb ka ahaa martidii munaasabadda ugu hambalyeeyay Dhallinyarada Soomaaliyeed kuna booriyay dhiraynta iyo bad baadinta deegaanka iyagoo ku booriyay inay dhallinyaradu qaataan kaalintooda hormuudnimo.
Wararka