Shir balaaran oo looga arinsansanayay horumarka ciyaaraha dalka oo ay isugu yimaadeen madaxda wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS iyo madaxda Xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha dalka oo ay hogaaminayeen Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka qabsoomay maantay xarunta wasaaradda.
Wasiirka wasaaradda , wasiir ku xigeenka ,agaasimaha guud iyo agaasimaha waaxda isboortiga Wasaarada ayaa kulanka goob-joog ka ahaa taasoo muujinaysa muhiimadda ay wasaaraddu siinayso horumarinta iyo turxaan bixinta ciyaaraha dalka.
Madaxda wasaaradda iyo masuuliyiinta xiriirrada kala duwan ee dalka iyo Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa si guud iskaga waraystay Qaladaadka ciyaaraha ee ka dhaca fagaarayaasha caalamka oo ay ugu dambaysay uguna darnayd kiiskii Orodka ee China ka dhacay.
Intaas kadib wasaaradda ayaa ku amartay xiriirrada iyo Guddiga Olombikadda in muddo 10 maalmood gudahooda ah ay ku soo gudbiyaan Xiriiradu Dastuuradooda ,Guddiyada Fulinta,Liisaska Macaaliminta Qaranka iyo Macalimiinta Heerarka kala duwan, Liisaska Garsoorayaasha heer walba oo ay yihiin, Liisaska Naadiyada heerarkooda kala duwan iyo Liisaska Cayaartooyda heerka Qaran & heer Kooxba .
Intaas kadib Wasaaradda ayaa soo jeedisay in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo
Guddi ka shaqeeynaya dib u habaynta iuo tayeeynta Xiriirada kala duwan ee dalka si loo horumarinta qaybaha kala duwan ee ciyaaraha kaas oo noqon doona sadex qayb oo kala ah Dowladda oo Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ay wakiil u tahay , Xiriirada Ciyaaraha oo Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ee GOQS ay ku midaysna yihiin iyo Bulshada qaybahooda kala duwan oo civil society-ga laga soo xuli doono kuwooda leh aqoonta Isboortiga.
Ugu dambayntii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa fartay Xiriirada Ciyaaraha dalka In qof ama koox kasta Passportkasta ha wataane oo ciyaaro nuuceey doonaan ha ahaadee ugu amba baxaya wadanka dibadiisa in aysan ka bixin Garoonka Diyaaradaha ayadoo aysan ogayn Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.