Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaa kulan wadatashi layeeshay Golihii Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed ee 1976dii ilaa iyo 1992dii.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaa kulan wadatashi layeeshay Golihii Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed ee 1976dii ilaa iyo 1992dii.

Spread the love

Ayadoo ay ku howlan tahay dhisida Golaha Dhallinyarada Qaranka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha oo wada wada tashiyada ku saabsan golahaas ayuu Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xil. Maxamed Barre Maxamuud kulan kula qaatay xarunta wasaaradda qaar ka mid ah Golihii Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed ee 1976dii ilaa iyo 1992dii.

Gudoomiyihii hore ee golaha dhallinyarada qaranka iyo qaar ka tirsanaa Gudoomiyayaashii gobolada ee golahaas ayaa Wasiir Maxamed Barre uga sheekeeyay nidaamkii shaqo iyo qaabkii ay doorashada golayaasha Dhalinyarada Qaranku u dhici jirtay.
Wasiirka iyo howl wadeenada Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha gaar ahaan Waaxda Dhallinyarada ayaa waxaa ka go’an in ay yeeshaan dhawaan dhallinyarada Soomaaliyeed Gole Qaran oo ay u dhan yihiin dhamaan dhallinyarada oo dhan tuulo, degmo ilaa iyo magaalo.
Dhallinyaradii Shalay waa Duqoowda Maantay.

Wararka