Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay daahfurka bandhigga farshaxanka oo lagu soo lagu qabtay Madxafka Qaranka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay daahfurka bandhigga farshaxanka oo lagu soo lagu qabtay Madxafka Qaranka

Spread the love
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay daahfurka bandhigga farshaxanka oo lagu soo lagu qabtay Madxafka Qaranka, waxaana ka qaybgagalay 18 farshaxan oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisa ka kala yimid.
Wasiirka wasaaradda Mudane Xil Mohamed Bare Mohamud ayaa kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee farshaxanka la soo bandhigay isagoo ku booriyay in la joogteeyo bandhigyada noocan ah si dadka soo booqanaya Madxafka Qaranka ay u arkaan taariikhda iyo dhaqankeenna hodanka ah.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb-galay kulanweyne lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee hal-abuurka dhallinyarada oo lagu soo bandhigay hal-abuur isugu jira farshaxan iyo hindisayaal cusub oo ay la yimaadeen dhallinyarada Soomaaliyeed.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa si uu u dhiirri-geliyo dhallinyarada wuxuu isdul taagay miis walba isagoo ka iibsaday farshaxanka iyo sawirrada ay soo bandhigeen, wuxuuna ku dhiirigeliyay ka soo qaybgalayaasha kale inay ka iibsadaan dhallinyarada fikirka ay soo bandhigeen si ay uga dabbarto kharashaadka daabacadda iyo qalabka ay ku isticmaalaan farshaxanka
Wararka