Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdigiisa shaqada u joogay dalka Kenya ayaa la kulmay dhiggiisa Kenya Hon Ababu-Terrah Egh, waxayna ka wada hadleen iskaashi dhex mara labada dhinac.
Wasiir Maxamed Barre oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedyada dalkeenna qaarkood iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa kala hadlay dhiggiisa Kenya xoojinta xiriirka labada dhinac gaar ahaan Dhallinyarada iyadoo labada dal ay is-dhaafsan doonaan tartamo saaxiibtinimo iyo iswaydaarsiga khibradda labada dal.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa magaalada Nairobi kaga qaybgalay shirweynaha Cimillada Afrika oo ay ka soo qaybgaleen kumanaan ergo ah oo Afrika ka kala timid ayna ku jiraan hoggaamiyayaal wadamada qaarkood, Wasiiro iyo ururrada dhallinyarada Afrika oo kuwa deegaanka u dhaqdhaqaaqa ugu horreeyaan.