Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb galay Casho sharaf loo sameeyay kooxda Dowlada Hoose ee MCC oo lagu gudoonsiinaayay Koobkii Munaasabada maalintii Xoriyada ee 1-da Luuliyo ay kaga guuleysteen rigoorayaal kooxda Horseed .
Madaxda Gobolka ,Qaar ka mida golaha Wasiirada ,Madaxda Xiriirka Kubada cagta qaarkood iyo bahda isboortiga qaybahooda kala duwan ayaa ka qayb galay munaasabadaas casha sharafta ahayd.
Wasiir Maxamed Barre ayaana ugu hambalyeeyay kooxda MCC guushaas wuxuuna ku dhiira galiyay dhamaan bahda ciyaaraha qiimaha isboortiga iyo in laga wada shaqeeyo horumarkiisa faaidada ay u leedahay dhallinyarada Soomaaliyeed.




