May 3, 2026

Wararka

Wasiirka ayaa Xarunta Wasaaradda Ku Qaabilay Wafdi Heer Caalami ah oo uu Hoggaaminayo Dr. Haani C/raxmaan.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa si sharaf iyo maamuus leh ugu soo dhaweeyey xarunta Wasaaradda wafdi heer caalami ah oo uu hoggaaminayay Dr. Haani C/raxmaan, oo ah Madaxa ugu sarreeya Jimciyada Kashaafada Carbeed, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay horumarinta iyo dib u habeynta Kashaafada Soomaaliyeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Kashaafada Soomaaliyeed ay u heli lahayd taageero heer caalami ah, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, dhisidda awoodda hoggaamineed, iyo horumarinta nidaamka shaqo si ay ula jaanqaaddo Kashaafada dalalka Carabta. Waxaa kulanka goob-joog ka ahaa Mas’uul kasocday Kashaafada Dalka Jabuuti, Guddoomiyaha Ururka Kashaafada Soomaaliyeed Mudane Xasan Cali Axmed iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda. Booqashadan ayaa la filayaa inay xoojiso iskaashiga iyo taageerada caalamiga ah ee lagu horumarinayo Kashaafada Soomaaliyeed, islamarkaana ay horseed u noqoto dib-u-dhis iyo tayeyn joogto ah oo lagu sameeyo ururka. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashadooda qiimaha leh iyo dadaalkooda ku aaddan taageerada iyo garab istaagga Kashaafada Soomaaliyeed.

Wararka

Xil Wareejinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta Wasaaradda. Xilka ayuu kala wareegay ku-simihii Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Waaxda Horumarinta Ciyaaraha Mudane Saadaq Axmed kaas oo muddadii uu xilka hayay si ku-meel-gaar ah u gutay waajibaadkiisa shaqo. Munaasabadda xil-wareejinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud iyo howladeenada wasaaradda kuwaas oo si diirran usoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee cusub waxaana laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn, hufnaan iyo dardargelinta howlaha Wasaaradda. Mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay baahida loo qabo horumarinta adeegyada dhallinyarada iyo kobcinta ciyaaraha dalka, iyagoo u rajeeyay Agaasimaha Guud ee cusub guul iyo Alle-fudayd gudashada mas’uuliyadda culus ee loo igmaday. Dhankiisa, Mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa uga mahadceliyay madaxda Wasaaradda kalsoonida ay siiyeen, wuxuuna ballanqaaday inuu xoogga saari doono horumarinta howlaha Wasaaradda iyo hirgelinta siyaasadaha lagu taageerayo dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Scroll to Top