Author name: Abdulkadir Ashara

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Amman ee xarunta dalka Jordan si uu kaga qeybgalo daahfurka istaraatiijiyadda carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (Arab Strategy for Youth, Peace and Security).

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Amman ee xarunta dalka Jordan si uu kaga qeybgalo daahfurka istaraatiijiyadda carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (Arab Strategy for Youth, Peace and Security). Wasiirka ayaa ka qeybgalay munaasabadda daahfurka istaraatiijiyadda oo ay kasoo wada qeybgaleen wasiirrada Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalalka Carabta. Magaalada Amman ayaa sidoo kale sanadkaan noqotay caasimadda dhallinyarada Carabta. Wasiirka inta uu joogo magaalada Amman, waxa uu kulamo la qaadan doonaa wasiirrada dhiggiisa ah iyo hey’adaha caalamiga ah si uu warbixin kaga siiyo qorshaha Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga Soomaaliya oo heer gabogabo ah maraayo.

Ciyaaro

Tartan kubadda cagta ah oo lagu xusayo Maalmaha Xoriyadda ayaa lagu qabtay Muqdisho Stadium Tartankaan ayaa loo qabtay si loo xuso taariikhda Asbuuca Xornimada Soomaaliya ayadoo lagu soo bandhigay ciyaar kubada cagta ah oo dhexmartay kooxaha Heegan iyo Horseed,

Tartan kubadda cagta ah oo lagu xusayo Maalmaha Xoriyadda ayaa lagu qabtay Muqdisho Stadium Tartankaan ayaa loo qabtay si loo xuso taariikhda Asbuuca Xornimada Soomaaliya ayadoo lagu soo bandhigay ciyaar kubada cagta ah oo dhexmartay kooxaha Heegan iyo Horseed, Waxaana sidoo kale jirey ciyaaro dhaqameed iyo tartamo kale sida Fardo fuulka oo muujinaya sooyaalka iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo isku darka ciyaaraha casriga ah iyo hiddaha qadiimiga . Garoonka waxaa ku sugnaa Wasiiro Xildhibaano,Saraakiil iyo masuuliyiin kale si ay u muujiyaan qiimaha maalinta Xorriyada iyo muhiimadda isku keenida bulshada . Dhanka kale waxaa garoonka soo camiray ayagoo ku labisan astaamaha Calankeena dadweyne aad u badan ,Kashaafada Qaranka iyo Dhallinyaro ay ku jiraan arday qalin jebiyeyaal ah kuwaasoo lagu casuumay inay ka qeyb galaan xafladda todobaadka xorriyada iyo tartanka . Tartankan wuxuu calaamad u yahay dib u soo kabashada iyo adkeynta midnimada bulshada Soomaaliyeed si gaar ah dhallinyarada iyadoo la adeegsanayo isboorti. Photo by: Abdirahman Ali Ahmed (Shaataa)

Ciyaaro

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa maanta si rasmi ah xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uga daah-furay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabto macallimiinta iyo garsoorayaasha ciyaaraha Xeebaha (Beach Soccer) ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa maanta si rasmi ah xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uga daah-furay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabto macallimiinta iyo garsoorayaasha ciyaaraha Xeebaha (Beach Soccer) ee Soomaaliya. Siminaarkan oo socon doona muddo dhowr maalmood ah, ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa tayeynta iyo xirfadaynta tababarayaasha iyo garsoorayaasha Soomaaliyeed ee ciyaaraha xeebaha, iyadoo lagu casuumay khuburo sar-sare oo socday dalka Uganda. Furitaanka tababarka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan bahda isboortiga dalka, oo ay ka mid yihiin: Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine),Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xiriirka, Mudane Cabdirashiid Cabdulle Maxamed ,Madaxa Xiriirka Ciyaaraha Xeebaha, Mudane Abshir Cabdi Abshir, Madaxa Garsoorayaasha Soomaaliyeed, Xasan Yabarow Wiish ,Agaasimaha Isboortiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha , Mudane Saadaq Axmed Cabdulle iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga fulinta xiriirka K/cagta. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ku tilmaamay tababarkan mid muhiim u ah horumarinta ciyaaraha dalka, gaar ahaan ciyaaraha xeebaha oo ah fursad weyn oo dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku horumari karaan xirfadooda ciyaareed maadama aan leenaha Xeebo badan oo ku haboon Soccer Beach-ka. “Waa markii ugu horreysay ee noocan oo kale ah tababar lagu qabto gudaha dalka. Waa bilow muhiim ah oo aan ku dhiseyno saldhig adag oo aan ku gaari karno tartamo heer qaran iyo heer caalami ah,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabduqaadir. Sidoo kale, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cali Shiine ayaa sheegay in tababarkan uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo qeyb ka ah dadaallada xiriirka ee ku aaddan ballaarinta ciyaaraha dalka, gaar ahaan kobcinta iyo horumarinta ciyaaraha xeebaha ee aan horey si rasmi ah loogu qaban gudaha Soomaaliya. Siminaarkan ayaa noqonaya mid horseeda abaabulka tartankii ugu horreeyay ee rasmi ah ee kubadda cagta xeebaha ee Soomaaliya lagu qabanayo, iyadoo la rajeynayo in uu xoojiyo ka qeybgalka tartamada caalamiga ah ee Beach Soccerka. Photo by: Abdirahman Ali Ahmed (Shaataa)

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir gudoomiyay shirka Guddiga sare ee Mashruuca YOU-ACT (YOU-ACT Project Steering Committee Meeting) oo maanta qabsoomay.

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir gudoomiyay shirka Guddiga sare ee Mashruuca YOU-ACT (YOU-ACT Project Steering Committee Meeting) oo maanta qabsoomay. Shirkaan oo ah mid 3dii billood mar la qabto ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka iyo qorshayaasha mashruuca. Wasiirka Wasaaradda oo daahfuray shirka ayaa ka hadlay muhiimadda uu mashruucan u leeyahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Jowhar oo ah goobta laga fulinaayo mashruuca. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS kaga qeybqaadatay fulinta qeybo ka mid ah barnaamijyada mashruucaan. Shirka waxaa kasoo qeybgalay hey’adaha fulinaaya mashruuca, deeq bixiyayaasha iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Hirshabeelle Maxamed Xuseen Ceynte. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Jamaal Abdullahi Mohamed oo soo xiray kulanka ayaa kaga mahadceliyay masuuliyiinta kasoo qeybgashay kulankaan muhiimka ah asagoo adkeeyay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ay diyaar u tahay inay doorkeeda si fiican kaga qaadato fulintaan mashruucaan. Photo by: Abdirahman Ali Ahmed (Shaataa)

Ciyaaro

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Dahabo Susow Maxamuud, ayaa ka qayb gashay munaasabad lagu furayay garoomo cusub oo laga hirgeliyay xarunta SOS ee degmada Heliwaa. Goobtaan ayaa loogu talagalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan sida kubbadda kolayga (Basketball), kubbadda laliska (Volleyball), Tennis-ka iyo Gym-ka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Dahabo Susow Maxamuud, ayaa ka qayb gashay munaasabad lagu furayay garoomo cusub oo laga hirgeliyay xarunta SOS ee degmada Heliwaa. Goobtaan ayaa loogu talagalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan sida kubbadda kolayga (Basketball), kubbadda laliska (Volleyball), Tennis-ka iyo Gym-ka. Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha SOS Village Children, Mudane Cabduqadir Dhaqane, oo si diirran u soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka iyo marti sharaf kale oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Xiriirrada. Kulanka furitaanka waxaa bilow u noqday ciyaar dhexmartay laba koox oo ka tirsan kooxaha kubbadda kolayga ee dalka, taasoo qayb ka ahayd muujinta howlgalka garoonka cusub. Xaruntan ayaa noqon doonta meel carruurta iyo dhallinyarada daryeelka SOS ay ka heli doonaan madadaalo, horumar iyo is dhexgal bulsho, iyadoo la filayo inay door weyn ka ciyaarto horumarinta ciyaaraha iyo fayo-qabka dhallinyarada. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa ballan qaaday taageerada joogtada ah ee dowladda, iyadoo sheegtay in la bixin doono barnaamijyo tababar, qalab ciyaareed, iyo fursado horumarineed oo loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed. Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu maalgelinayo mustaqbalka Isboortiga, laguna kobcinayo ciyaartooyda hibadooda, isla markaana lagu xoojinayo nabadda iyo is-dhexgalka bulshada iyada oo loo marayo ciyaaraha.

Wararka

Doorka Soomaaliya ee Awoodsiinta Dhallinyarada Gobolka IGAD

Doorka Soomaaliya ee Awoodsiinta Dhallinyarada Gobolka IGAD Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Jamaal Cabdullaahi Maxamed iyo La-taliyaha Sare ee Barnaamijyada iyo Istaraatiijiyadda ee Wasaaradda Saadaq Axmed Cabdulle ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkan oo diiradda lagu saaray hirgelinta Khariidadda Siyaasadeed ee Dhallinyarada IGAD (Roadmap to the implementation of the IGAD Youth Policy) ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dalalka xubnaha ka ah IGAD ee ku aadan awoodsiinta dhallinyarada iyo kobcinta ka qaybgalka siyaasadeed, dhaqaale, iyo mid bulsho. Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha in ay door muuqda ka qaadato horumarinta iyo difaaca danaha Dhallinyarada gobolka IGAD.

Scroll to Top