Author name: Abdulkadir Ashara

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Ahmed Hassan Yusuf ayaa Kulan muhiim ah la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka UNDP Christopher Laker Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho .

Kulan muhiim ah oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Ahmed Hassan Yusuf oo uu la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka UNDP Christopher Laker ayaa ka dhacay Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho . Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga muddada dheer ee u dhexeeya Wasaaradda iyo UNDP, gaar ahaan horumarinta ajendaha dhallinyarada Soomaaliya. Waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa awood-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyadoo la horumarinayo maamul wanaagga, fursadaha dhaqaale, kuwa shaqada ,dhismaha nabadda iyo la qabsiga isbeddelka cimilada. Sidoo kale waxay wada xaqiijiyeen ka go’naanshahooda wadajirka ah ee ku aaddan in dhallinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado wax ku ool ah, iyadoo la hubinayo saameyn muuqata iyo horumar waara oo mustaqbalka fog u leh Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga iyo UNDP

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Hogaanka Ururka Dhallinyarada SYV iyo qaar ka mid ah haldoorkooda

Hogaanka Ururka Dhallinyarada SYV iyo qaar ka mid ah haldoorka dhallinyarada magaalada Muqdisho ayaa afur soo-dhaweyn iyo isbarasho ah u sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Mudane Axmed Xasan Yusuf. Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu xoojinayay xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa wasaaradda iyo ururrada dhallinyarada ayadoo ka qeybgalayaasha ay si diirran u soo dhaweeyeen Agaasimaha Guud, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhallinyarada iyo dalka. Intii uu socday afurka waxaa la sameeyay su’aalo aragti-wadaag ah iyo hadalo ay dhallinyaradu ku soo bandhigeen fikrado iyo talooyin ku saabsan horumarka dalka, doorka dhallinyarada iyo sida ay uga qeyb qaadan karaan dhismaha mustaqbalka Soomaaliya Waxaana la is tusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo ururrada dhallinyarada. Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xasan Yusuf ayaa uga mahadceliyay hogaanka SYV iyo dhallinyarada kale ee ka soo qeyb galay soo dhaweynta diirran, isagoo ku booriyay dhallinyarada inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan horumarka dalka, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha dowladda si loo gaaro isbeddel muuqda

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabduqadir Cali ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Guddoomiyaha Hay’ada Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdifataax Aadam Macalim oo ka wada dalka dadaallo gurmad iyo taakulayn ah.

Iyadoo lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana ay dalka intiisa badan ka jiraan abaaro ba’an oo sababay khasaare naf iyo maalba leh ayaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabduqadir Cali wuxuu ku qaabilay xafiiskiisa Guddoomiyaha Hay’ada Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdifataax Aadam Macalim oo ka wada dalka dadaallo gurmad iyo taakulayn ah. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay hay’adda kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayso gargaaridda dadka ay saameeyeen abaaruhu iyo sidoo kale garab istaagga ay u muujisay Golaha Dhallinyarada Qaranka oo door firfircoon ka qaatay caawinta bulshada nugul. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mr Axmed Yusuf , qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha iyo Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta la xiriirta horumarinta arrimaha dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligan adag oo ay dalka ka jiraan caqabadaha bani’aadamnimo

Wararka

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xasan Yusuf ayaa qabtay kulankiisii toddobaadlaha ahaa ee is-xog wareysiga kaas oo uu la yeeshay Agaasima Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xasan Yusuf ayaa qabtay kulankiisii toddobaadlaha ahaa ee is-xog wareysiga kaas oo uu la yeeshay Agaasima Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo iyo hirgelinta qorshayaasha hortabinta leh ee lagu horumarinayo dhallinyarada iyo ciyaaraha dalka. Agaasimaha Guud ayaa dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha socda, caqabadaha jira iyo talooyin lagu xoojinayo adeegyada wasaaradda. Sidoo kale waxaa kulanka lagu adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta, isla xisaabtanka iyo mideynta dadaallada si loo gaaro yoolalka horumarineed ee dhallinyarada iyo ciyaaraha. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday dhiirrigelin ku wajahan gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla wasaaradda.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa xarunta Wasaaradda kulan muhiim ah kula yeeshay madaxa hey’adda IOM – Somalia Mr Manuel Pereira.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa xarunta Wasaaradda kulan muhiim ah kula yeeshay madaxa hey’adda IOM – Somalia Mr Manuel Pereira. Kulanka oo ujeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka labada dhinac ayaa looga hadlay arrimaha shaqo-abuurka iyo xirfad-siinta dhallinyarada, ka hortagga tahriibka, barnaamijyada dhallinyarada, nabadda & amniga iyo is waafajinti barnaamijyada hey’adda IOM iyo kuwa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS. Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa ka warbixiyay barnaamijyada iyo qorsheyaasha ku aaddan horumarinta dhallinyarada oo ay Wasaaradda gacanta ku heyso. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Axmed Yuusuf Ahmed oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa asagana tilmaamay muhiimadda ay Wasaaradda siineyso xiriirka kala dhaxeeya hey’adaha caalamiga ah ayada oo laga duulaayo mabaadi’da hufnaanta iyo isla xisaabtanka. Ugu dambeyn, madaxa IOM – Somalia Mr Manuel Pereira ayaa ka mahadceliyay kulanka asagoo soo dhaweeyay wada-shaqeyn dhow oo dhexmarta labada dhinac.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Amman ee xarunta dalka Jordan si uu kaga qeybgalo daahfurka istaraatiijiyadda carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (Arab Strategy for Youth, Peace and Security).

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Amman ee xarunta dalka Jordan si uu kaga qeybgalo daahfurka istaraatiijiyadda carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (Arab Strategy for Youth, Peace and Security). Wasiirka ayaa ka qeybgalay munaasabadda daahfurka istaraatiijiyadda oo ay kasoo wada qeybgaleen wasiirrada Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalalka Carabta. Magaalada Amman ayaa sidoo kale sanadkaan noqotay caasimadda dhallinyarada Carabta. Wasiirka inta uu joogo magaalada Amman, waxa uu kulamo la qaadan doonaa wasiirrada dhiggiisa ah iyo hey’adaha caalamiga ah si uu warbixin kaga siiyo qorshaha Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga Soomaaliya oo heer gabogabo ah maraayo.

Scroll to Top