
kulankii kubadda cagta kooxaha Somali Legends iyo African Legends ee lagu soo dhaweynayay xiddigaha Afrika, sida Samuel Eto’o, Jay-Jay Okocha, iyo Emmanuel Adebayor ayaa kusoo dhamaatay 8-4 oo ay guushu ku raacday kooxda African Legends.
Ciyaarta waxaa daah fuday raiisul wasaaraha XFS Md. Xamse Cabdi Barre.Sidoo kale waxaa ciyaarta goobjoog ka ahaa gudoomiyaha xiriirka CECAFA , Gudoomiyaha Xiriirka Djibouti iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Dowlada .Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdiqaadir Cali, ayaa dhaliyay goolka koowaad ee ciyaarta asagoona soo bandhigay xirfadiisa kubadeed .Ciyaartan ayaa ahayd fursad lagu xoojinayo xiriirka isboorti ee u dhexeeya Isboortiga Soomaaliya iyo kan Afrika, iyadoo sidoo kale lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga qaybqaataan horumarinta ciyaaraha.





