Wararka

Wararka

Wasiirka Dhallinyarada iyo Wakiilka UNICEF oo Kulan Muhiim ah Ku Adkeeyay Iskaashiga Awood-siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed

Kulan heer sare ah oo lagu adkaynaayay iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan awood-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan hablaha iyo dhallinta da’da yar ayeey xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha kuwada qaateen maantay Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf. Kulanka oo uu guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa taageerada ay UNICEF siiso barnaamijyada Wasaaradda ee la xiriira Hannaanka Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (YPS), iyo hirgelinta Qorshaha Qaranka ee Dhallinyarada Soomaaliya. Wasiirka ayaa ku amaanay UNICEF kaalinta muhiimka ah ee ay ku leedahay difaaca xuquuqda carruurta gaar ahana kuwa nugul iyo ilaalinta haweenka. Wuxuuna xusay in Wasaaraddu mudnaan gaar ah siineyso dhallinyarada, gaar ahaan hablaha da’doodu ka weyn tahay 15 sano, si ay u helaan cod, door muuqda iyo fursado ay kaga qaybqaataan go’aan qaadashada iyo horumarinta adeegyada bulshada. Wasiirku wuxuu tusaale u soo qaatay Shirkii Cimilada ee Dhallinyarada oo UNICEF ay taageertay, isagoo amaanay doorka hoggaamineed ee hablaha Soomaaliyeed ee arrimaha cimilada iyo wadahadalada qaran. Dhankeeda, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Marwo Sandra Lattouf ayaa sheegtay in UNICEF ay ka go’an tahay inay sii wado taageerada ay siiso Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu xoojiyo fursadaha waxbarasho, shaqo-abuur iyo ka qaybgal bulsho oo wax dhisaya. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqaynta dhow, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu aqoonsado inay yihiin laf-dhabarta nabadda, hal-abuurka iyo horumarka waara ee Soomaaliya.

Wararka

Ministry of Youth & Sports presents the 2023–2030 Youth Political Strategy to UN leadership. Youth to be the central pillar in peace, governance, climate action & development.

H.E. Minister Mohamed Abdullqadir Ali, together with the leadership team of the Ministry of Youth and Sports, welcomed the Special Representative of the United Nations Secretary-General for Somalia and Head of UNSOM, Mr. James Swan, accompanied by Mr. Obinna Okamgba, Special Assistant, and Mr. Vikram Parekh, Head of Political Affairs. Joining the Minister were Deputy Minister H.E. Dahabo Susow Mohamed and the Director General, Mr. Jamal Cabdulaahi Mohamed. The meeting highlighted the presentation of the Somali Youth Political Strategy 2023–2030, which places young people at the heart of Somalia’s peacebuilding, good governance, climate action, and national development efforts. Discussions centered on reinforcing collaboration between the Ministry and the United Nations to ensure coherence with Somalia’s political agenda and to expand initiatives that uplift and empower Somali youth.

Wararka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Dahabo Susow Maxamud oo ka qeybgashay shirweynaha 9aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga kaas oo lagu doortay hoggaanka sare ee Xiriirka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Dahabo Susow Maxamud oo ka qeybgashay shirweynaha 9aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga kaas oo lagu doortay hoggaanka sare ee Xiriirka. Doorashada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga oo ku qabsoontay korjoogteynta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ayaa waxaa Gudoomiye loogu doortay Md. Cabdullaahi Cabdulle Xasan. Doorashada ayaa sidoo kale lagu doortay ku xigeenada 1aad, 2aad iyo 3aad ee Gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee guddiga fulinta. Doorashada waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Guddiga Olimbikada Qaranka Soomaaliyeed, kooxaha iyo ururada Kubadda kolayga.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo ay wehliso Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda xil. Dahabo Suusoow ayaa waxa ay kormeer ku tageen xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo dhisme uu ku socdo.

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo ay wehliso Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda xil. Dahabo Suusoow ayaa waxa ay kormeer ku tageen xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo dhisme uu ku socdo. Kormeerkaan aya ujeedkiisa ahaa sidii loo qiimeyn lahaa halka uu maraayo dhismaha xarunta wasaaradda oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud dhagaxdhigay 15kii May 2025. Dhismaha xarunta wasaaradda oo meel fiican maraayo ayaa la qorsheynayaa in dhammaadka sanadkaan ay ku shaqeyso Wasaaradda.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir gudoomiyay Shirka Wadatashiga ee Wasiirrada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XJFS, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir gudoomiyay Shirka Wadatashiga ee Wasiirrada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XJFS, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkan oo ay martigelisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS, ayaa looga dooday qodobada: • Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2029) – Tiirka Horumarinta Bulshada iyo Awoodda Aadanaha; • Doorka dhallinyarada ee ka qaybgalka bulshada iyo doorashooyinka soo socda ee guud; • Siyaasadda Qaranka ee Dhallinyarada (2023–2030); • Warbixin ku saabsan horumarka laga gaaray Wadatashiyada Qorshaha Qaranka ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (YPS NAP) iyo Arrimaha Isboortiga Dalka. Shirkan muhiimka ah ayaa waxa uu xoojin doonaa iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo xaqiijiyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay noqdaan udub dhexaadka horumarka qaranka, nabad-dhisidda iyo hannaanka dimuqraadiyadda oo ay ka mid tahay doorashooyinka.

Wararka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS oo si weyn u xustay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS oo si weyn u xustay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka. Munaasabaddaan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, Wasiirro, Xildhibaano, masuuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Banaadir, Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Ururada Dhallinyarada iyo ardayda Jaamacadaha dalka. Munaasabadda waxa ay isugu jirtay khudbado ay soo jeediyeen masuuliyiinta kasoo qeybgashay, dood cilmiyeed ku aaddan doorka dhallinyarada ee fulinta yoolalka horumarka waara iyo bandhig ay qeyb ka mid ah dhallinyarada kusoo bandhigayeen hal-abuuradooda ganacsi. Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinkaan caalamiga ah asagoo tilmaamay in Dhallinyarada Soomaaliyeed ay la noolyihiin duruufo kala duwan oo ay sababeen burburkii dalka. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Md. Saalax Axmed Jaamac oo soo xiray munaasabadda ayaa Dhallinyarada Soomaaliyeed ku bogaadiyay doorka muhiimka ay ka qaataan dowlad-dhiska dalka.

Scroll to Top