Wararka

Wararka

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฒ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐…๐’ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฒ’๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ˆ๐‘๐ข๐ฌ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐ฒ๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐.

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฒ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐…๐’ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฒ’๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ˆ๐‘๐ข๐ฌ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐ฒ๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐. ๐Œ๐จ๐ ๐š๐๐ข๐ฌ๐ก๐ฎ, ๐Ÿ๐Ÿ’ ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐จ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ‘. Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo madaxa hay’adda Maxalliga ah ee IRise Cabdixakiim Sheekh Yuusuf Caynte ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo wasaaradda iyo IRise u saamaxaya inay iska kaashadaan tababarka iyo xirfad siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed si loogu sahlo la qabsiga suuqa shaqada. Kulanka lagu heshiiyay wada shaqaynta waxaa kale oo dhanka wasaaradda ka qayb-gashay Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Xirfadaha (TVET) Ramla Cismaan Shariif iyo saraakiil kale oo wasaaradda ka tirsan. Wasaaradda iyo Hay’adda IRise ayaa iska kaashanaya tababar siinta kumanaan dhallinyaro ah oo la barayo xirfado gaa-gaaban oo ay ku shaqaystaan si loo yareeyo shaqo la’aanta baahdan ee Dhallinyarada haysata. Hay’adda IRISE ayaa horay u tababartay kumanaan dhallinyaro ah oo isugu jira kuwo duruufaha dalka ka jira ay u ogolaan waayeen inay dhamaystaan waxbarashada nidaamiga ah iyo kuwo xiiseeya farsamada gacanta iyo xirfadaha gaa-gaaban.

Wararka

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐๐š๐ญ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฒ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซ ๐จ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ฒ.

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐๐š๐ญ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฒ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซ ๐จ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ฒ. ๐Œ๐”๐๐ƒ๐ˆ๐’๐‡๐Ž, ๐Ÿ๐Ÿ’ ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐จ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ‘. Shirkan oo socon doona labada maalmood ee soo socda ayaa diirradda lagu saari doonaa kor u qaadidda wadashaqaynta wanaagsan ee haddaba ka dhaxaysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo wasaaradaha dowlad goboleedyada, tartankii dowlad goboleedyada, siyaasadda qaran oo la isku raacsanyahay oo ay yeeshaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo muhiim ah. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo hadal ka jeediyay shirka ayaa wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada dareensiiyay shaqada hortaala iyo baahiyaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee halista argagixisada, shaqo la’aanta, maandooriyaha iyo tahriibka, waxaa iyaguna hadallo furitaankii shirka ka jeediyay wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Dhinaca wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS waxaa iyana shirka kalmado ka jeedisay Marwo Fahmo Axmed Nuur wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha guud Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo maalmaha uu shirku socdo hoggaamin doona kooxaha farsamada ee shirka si ay wasiirrada ugu soo gudbiyaan nuxurka la isku raacay. Kulanka oo ah kii labaad tan iyo intii la dhisay xukuumadda DAN-QARAN ayaa la filayaa in go’aamo wax ku ool ah laga soo saaro labada maalmood ee uu socdo.

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa la kulmay Gudiga fulinta jaamacadaha dalka

Kulanka Gudiga fulinta jaamacadaha dalka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaraaha oo ka shiray sidii loo qaban lahaa tartanka koobka kubadda cagta ee jaamacadaha dalka bisha ramadaan ee nagu soo aadan. Kulanka ayaa wuxuu ka dhacay xarunta wasaaradda waxaana kasoo qayb galay Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarshada iyo tacliinta sare mudane Dr. Ismaciil

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa tababar sare loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda usoo xiray qaar ka mid ah hawlwadeenada Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa tababar sare loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS usoo xiray qaar ka mid ah hawlwadeenada Wasaaradda. Tababarkan oo socoday muddo sadex (3) maalin ah ayaa diiradda lagu saarey qorsheynta, Kormeerka & Qiimeynta mashaariicda horumarineed iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad ee dalka (2020-2024). Agaasimaha guud waxaa kala qayb-galay Xiritaanka tababarka saraakiil ka tirsan wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo ka taageeray Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS tababarkan. Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa uga mahadceliyay wasaaradda Qorsheynta tababarkan faa’iidada badan u leh hawlwadeenada wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha isagoo kula dardaarmay xubnaha ka faaโ€™iidaystay inay ku dabaqaan shaqadooda xirfadaha ah kororsadeen    

Wararka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa ka qayb-galay furitaanka tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa ka qayb-galay furitaanka tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir. Tartankan waxaa ka qayb-gelaya 17 degmo oo gobolka Banaadir ah, sadex deegaan iyo degmada Balcad. Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo masuuliyiin kale ayaa goob joog ahaa furitaanka tartankan oo muhiimad gooni ah iyo xamaasad dheeraad ah wata. Kooxda Degmada Balcad iyo Kooxda Degmada Dharkeenley ayaa tartankan lagu furay, kuwaas oo garoon Stadium Eng Yariisoow kusoo bandhigay ciyaar xiisa badan.

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia ayaa maanta kulan la yeeshay dhiggiisa Serbia mudane Zoran Gajiฤ‡, xoghayaha gobolka Marko Keลกelj iyo kaaliyaha wasiirka iskaashiga Caalamiga ah Uroลก Pribiฤ‡eviฤ‡. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdiga la socday oo uu weheliyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Caasimadda Serbia ee Belgrade Amb Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kala hadlay dowladda Serbia iskaashi buuxa oo labada dhinac dhex mara gaar ahaan dhinacyada Horumarinta Ciyaaraha iyo xirfadaha dhalinyarada. Wasiirka Ciyaaraha Serbi Zoran Gajiฤ‡ ayaa ballan qaaday inay dowladdiisu wixii khibrad iyo taageero ah ay la wadaagi doonaan Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha. Xiriirka labada dal ayaa kor u socday sanadihii la soo dhaafay iyadoo dowladda Serbia ay dalkeenna siiyeen deeqo waxbarasho oo kuliyado kala duwan leh iyo tababar la xiriira xirfadaha kala duwan ee xafiisyada dowladda

Scroll to Top