Ciyaaro

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Dahabo Susow Maxamuud, ayaa ka qayb gashay munaasabad lagu furayay garoomo cusub oo laga hirgeliyay xarunta SOS ee degmada Heliwaa. Goobtaan ayaa loogu talagalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan sida kubbadda kolayga (Basketball), kubbadda laliska (Volleyball), Tennis-ka iyo Gym-ka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Dahabo Susow Maxamuud, ayaa ka qayb gashay munaasabad lagu furayay garoomo cusub oo laga hirgeliyay xarunta SOS ee degmada Heliwaa. Goobtaan ayaa loogu talagalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan sida kubbadda kolayga (Basketball), kubbadda laliska (Volleyball), Tennis-ka iyo Gym-ka. Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha SOS Village Children, Mudane Cabduqadir Dhaqane, oo si diirran u soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka iyo marti sharaf kale oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Xiriirrada. Kulanka furitaanka waxaa bilow u noqday ciyaar dhexmartay laba koox oo ka tirsan kooxaha kubbadda kolayga ee dalka, taasoo qayb ka ahayd muujinta howlgalka garoonka cusub. Xaruntan ayaa noqon doonta meel carruurta iyo dhallinyarada daryeelka SOS ay ka heli doonaan madadaalo, horumar iyo is dhexgal bulsho, iyadoo la filayo inay door weyn ka ciyaarto horumarinta ciyaaraha iyo fayo-qabka dhallinyarada. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa ballan qaaday taageerada joogtada ah ee dowladda, iyadoo sheegtay in la bixin doono barnaamijyo tababar, qalab ciyaareed, iyo fursado horumarineed oo loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed. Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu maalgelinayo mustaqbalka Isboortiga, laguna kobcinayo ciyaartooyda hibadooda, isla markaana lagu xoojinayo nabadda iyo is-dhexgalka bulshada iyada oo loo marayo ciyaaraha.

Wararka

Doorka Soomaaliya ee Awoodsiinta Dhallinyarada Gobolka IGAD

Doorka Soomaaliya ee Awoodsiinta Dhallinyarada Gobolka IGAD Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Jamaal Cabdullaahi Maxamed iyo La-taliyaha Sare ee Barnaamijyada iyo Istaraatiijiyadda ee Wasaaradda Saadaq Axmed Cabdulle ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkan oo diiradda lagu saaray hirgelinta Khariidadda Siyaasadeed ee Dhallinyarada IGAD (Roadmap to the implementation of the IGAD Youth Policy) ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dalalka xubnaha ka ah IGAD ee ku aadan awoodsiinta dhallinyarada iyo kobcinta ka qaybgalka siyaasadeed, dhaqaale, iyo mid bulsho. Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha in ay door muuqda ka qaadato horumarinta iyo difaaca danaha Dhallinyarada gobolka IGAD.

Wararka

Kulan muhiimadiisu uu ahaa sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hay’adaha isboortiga dalka iyo Wasaaradda loona xoojin lahaa taageerada farsamo iyo mida maamul ee xulalka qaranka iyo howlaha horumarinta guud ee isboortiga dalka ayuu Wasiirka Wasaraadda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali la yeeshay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee (GOS) iyo Xirriirada Isboortiga dalka .

Kulan muhiimadiisu uu ahaa sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hay’adaha isboortiga dalka iyo Wasaaradda loona xoojin lahaa taageerada farsamo iyo mida maamul ee xulalka qaranka iyo howlaha horumarinta guud ee isboortiga dalka ayuu Wasiirka Wasaraadda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali la yeeshay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee (GOS) iyo Xirriirada Isboortiga dalka . Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa ballanqaaday in Wasaaradda si buuxda u garab istaagi doonto GOS iyo xiriirrada isboortiga, isagoo sidoo kale sheegay in la xoojin doono la xisaabtanka hawlaha xiriirrada si loo hubiyo hufnaanta iyo waxqabadka hay’adaha isboortiga. Masuuliyiinta Guddiga Olombikada iyo qaar ka mid ah xiriirrada isboortiga oo kulanka ka jeediyay warbixino ku saabsan halka ay marayaan howlaha isboortiga ayaa tilmaamay inay dardargelin doonaan iyagana dhankooda horumarinta Ciyaaraha. Kulankan ayaa muujinaya dadaalka ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ugu jirto horumarinta isboortiga dalka, taas oo la filayo inay horseedo kobaca isboortiga iyo kor u qaadista magaca Soomaaliya ee caalamka.

Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cagta caalamka, Samuel Eto’o oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo booqasho taariikhi ah ku yimid dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cagta caalamka, Samuel Eto’o oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo booqasho taariikhi ah ku yimid dalka.Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xidigahan booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo ka marag kacaysa amniga iyo dib u kabashada Soomaaliya, isagoo xusay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso horumarinta ciyaaraha.Munaasabaddan madaxtooyada waxaa ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda South Sudan Augustino Maduot Parek iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.Laacibiintaan oo kulan ciyaareed saaxiibtinimo kula ciyaaray Stadium Muqdisho shalay galab halyeeyadii kubada cagta Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ciyaartooyda ajaanibta ah ee dalka ka ciyaara ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in booqashada ciyaartooyda caalamiga ah ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ay ku qabto Soomaaliya iyo horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isdhex-galka Isboortiga iyo dhiirrigelinta dhallinyaradda.

Ciyaaro

kulankii kubadda cagta kooxaha Somali Legends iyo African Legends ee lagu soo dhaweynayay xiddigaha Afrika, sida Samuel Eto’o, Jay-Jay Okocha, iyo Emmanuel Adebayor ayaa kusoo dhamaatay 8-4 oo ay guushu ku raacday kooxda African Legends.

Ciyaarta waxaa daah fuday raiisul wasaaraha XFS Md. Xamse Cabdi Barre.Sidoo kale waxaa ciyaarta goobjoog ka ahaa gudoomiyaha xiriirka CECAFA , Gudoomiyaha Xiriirka Djibouti iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Dowlada .Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdiqaadir Cali, ayaa dhaliyay goolka koowaad ee ciyaarta asagoona soo bandhigay xirfadiisa kubadeed .Ciyaartan ayaa ahayd fursad lagu xoojinayo xiriirka isboorti ee u dhexeeya Isboortiga Soomaaliya iyo kan Afrika, iyadoo sidoo kale lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga qaybqaataan horumarinta ciyaaraha.

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo uu wehliyo Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa waxa ay garoonka diyaaradaha Adan Adde ku soo dhoweeyeen ciyaartooy Heer Caalami ah

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo uu wehliyo Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa waxa ay garoonka diyaaradaha Adan Adde ku soo dhoweeyeen ciyaartooy heer caalami ah oo kala ah:- (Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay Jay Okacha) oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Ciyaartoyda waxaa booqashada ku wehliya masuuliyiin sarsare oo ka socota xiriirka Kubadda Cagta ee CAF.

Scroll to Top