Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galaya isaga iyo wafdi uu hogaaminayo shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galaya isaga iyo wafdi uu hogaaminayo shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa shir doceed muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi oo ah xilligan madaxa golaha wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee dalalka Jaamacadda Carabta. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Masar Dr Ashraf Subxi ayaa ka wada hadlay iskaashi dhex mara labada wasaaraddood ee dhinacyada kobcinta iyo tababarrada dhallinyarada iyo horumarinta garoomada cayaaraha, iyadoo dowladda Masar ay ka tageerayso wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya tababaridda dhallinyaro la barayo xirfado kala duwan iyo koorsooyin gaa-gaaban. Kulanka labada wasiir waxaa ka qaybgelay agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo saraakiil kale oo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ka tirsan. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeedin doona shirka Wasiirrada dhalinyarada iyo cayaaraha ee wadamada Carabta oo ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.  

Wararka

𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗮𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗫𝗙𝗦 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗱𝗮 𝗾𝗼𝗿𝘀𝗵𝗲 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆𝗼 𝘀𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗹𝗮 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗻𝗱𝗼𝗼𝗿𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 ( 𝗗𝗮𝗿𝗼𝗼𝗴𝗮𝗱𝗮).

𝗠𝗼𝗴𝗮𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟭𝟳 𝗠𝗮𝗮𝗿𝘀𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟯:-Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa meel gabo-gabo ah marinaysa siyaasadda qaran ee la dagaalanka iyo ka hortagga Maandooriyaha (Daroogada ) oo faro Kulul ku haya Dhallinyarada Soomaaliyeed iyadoo wasaaraddu howshan kala shaqaynaysa Ababsy Consultanting limited oo ah hay’ad ay ku midaysanyihiin sharci yaqaanno dowladaha geeska kala shaqeeya horumarinta siyaasadaha iyo shuruucda cusub. Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo masuuliyiinta hay’adda Ababsy Consultanting limited oo xafiiska agaasimaha guud ku kulmay ayaa isla gartay dardargellinta Siyaasadda Qaran ee ka hortagga Maandooriyaha oo wasaaradda muhiimad gooni ah u leh, maadaama ay tahay Siyaasad lagu badbaadin mustaqbalka Dhallinyarada Soomaaliyeed. Agaasimaha guud iyo masuuliyiinta hay’adda ayaa si wada jir ah u xafiiskiisa ugu booqday wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyagoo xog waran ka siiyay heerka gabogabada ah ee ay marayso Siyaasadda Qaran ee ka hortagga iyo la dagaalanka Maandooriyaha. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in cadowga labaad ee dhallinyarada Soomaaliyeed wajahayso uu yahay Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan isagoo sheegay inay muhiimadda labaad u tahay wasaaraddiisa marka laga soo tago halganka dib u xoraynta iyo xasilinta dalka. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa muhiimad gooni ah siiyay Siyaasadda la dgaaalanka Maandooriyaha isagoo ku daray balanqaadkii uu Raisul Wasaaraha Xukuumadda DAN-QARAN Mudane Xamse Cabdi Barre la gallay bishii December ee sanadkii hore inuu sanadkan 2023 dhexdiisa dhamaystirayaan Siyaasadda Qaran ee la dagaalanka iyo ka hortagga Maandooriyaha.

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa Hambalyo u diray wiilkeenna Cali Iidow Xasan

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa Hambalyo u diray wiilkeenna Cali Iidow Xasan oo kaalinta labaad ka galay tartanka oroddada( 6th Edition of the international meeting of Djibouti) oo ah tartan 1500M. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa mar sii horaysay Orodyahan Cali Iidow iyo koox kale oo dhallinyaro ah ku booqday goobaha ay tababarka ku qaataan, isagoo ku booriyay dadaalka ay ugu jiraan inay dalkooda guul u keenaan. Wasiir Maxamed Barre ayaa markii lagu soo daray golaha wasiirrada ee Xukuumadda Dan-Qaran bilaabay qorsheyaal lagu hormarinayo ciyaaraha Maaratoonka oo ay Soomaaliya taariikh ku leedahay. Cali Iidow oo Soomaaliya ku matalayay tartankii Olompicada adduunka ayaa caawa ku tartamay oradka 1500 meter.

Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa shir Gudoomiyay Maalinkii 2aad ee Shirka Wadatashiga Wasaaraddaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir

Waxaa maalintii labaad galay shirka wadatashiga wasaaraddaha dhallinyarada iyo cayaaraha ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir ayuu agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa shir guddoomiyay shirka agaasimeyaasha guud iyo qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaha ka socda si ay isula meel dhigaan Nuxurka shirku isku raaci doono. Qaybta farsamada ee shirka 2-aad ee wadatashiga wasaaraddaha dhallinyarada iyo cayaaraha ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa lagaga dooday siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo wasaaraddu ay dib u qortay iyadoo la waafijnayo caqabadaha iyo fursadaha haysta dhallinyarada Soomaaliyeed marxaladdan kala guurka ah ee inta badan gobollada dalka iyo degmooyinkiisa laga xoreeyay Al-Shabaab. Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo wasaaraddu wakhti badan gelisay si ay ula jaan qaaddo marxaladdan cusub ee dalku galay loona waafajiyo tiirarka horumarinta ee siyaasadda Xukuumadda DAN-QARAN ayaa iftiiminaysa baahiyaha xilligan iyo kuwa mustaqbalka ee dhallinyarada Soomaaliyeed. Gelinka danbe ee maanta ayaa la filayaa inay shirka ku soo biiraan wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir si ay hehsiis is af-garad ugu baddelaan waxyaabaha ay isku raaceen kooxaha farsamada ee shirka uu maanta hoggaaminayay agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye.

Wararka

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐥𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐈𝐑𝐢𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐥𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐈𝐑𝐢𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝. 𝐌𝐨𝐠𝐚𝐝𝐢𝐬𝐡𝐮, 𝟏𝟒 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐬𝐨, 𝟐𝟎𝟐𝟑. Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo madaxa hay’adda Maxalliga ah ee IRise Cabdixakiim Sheekh Yuusuf Caynte ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo wasaaradda iyo IRise u saamaxaya inay iska kaashadaan tababarka iyo xirfad siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed si loogu sahlo la qabsiga suuqa shaqada. Kulanka lagu heshiiyay wada shaqaynta waxaa kale oo dhanka wasaaradda ka qayb-gashay Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Xirfadaha (TVET) Ramla Cismaan Shariif iyo saraakiil kale oo wasaaradda ka tirsan. Wasaaradda iyo Hay’adda IRise ayaa iska kaashanaya tababar siinta kumanaan dhallinyaro ah oo la barayo xirfado gaa-gaaban oo ay ku shaqaystaan si loo yareeyo shaqo la’aanta baahdan ee Dhallinyarada haysata. Hay’adda IRISE ayaa horay u tababartay kumanaan dhallinyaro ah oo isugu jira kuwo duruufaha dalka ka jira ay u ogolaan waayeen inay dhamaystaan waxbarashada nidaamiga ah iyo kuwo xiiseeya farsamada gacanta iyo xirfadaha gaa-gaaban.

Wararka

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲. 𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎, 𝟏𝟒 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐬𝐨, 𝟐𝟎𝟐𝟑. Shirkan oo socon doona labada maalmood ee soo socda ayaa diirradda lagu saari doonaa kor u qaadidda wadashaqaynta wanaagsan ee haddaba ka dhaxaysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo wasaaradaha dowlad goboleedyada, tartankii dowlad goboleedyada, siyaasadda qaran oo la isku raacsanyahay oo ay yeeshaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo muhiim ah. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo hadal ka jeediyay shirka ayaa wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada dareensiiyay shaqada hortaala iyo baahiyaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee halista argagixisada, shaqo la’aanta, maandooriyaha iyo tahriibka, waxaa iyaguna hadallo furitaankii shirka ka jeediyay wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Dhinaca wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS waxaa iyana shirka kalmado ka jeedisay Marwo Fahmo Axmed Nuur wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha guud Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo maalmaha uu shirku socdo hoggaamin doona kooxaha farsamada ee shirka si ay wasiirrada ugu soo gudbiyaan nuxurka la isku raacay. Kulanka oo ah kii labaad tan iyo intii la dhisay xukuumadda DAN-QARAN ayaa la filayaa in go’aamo wax ku ool ah laga soo saaro labada maalmood ee uu socdo.

Scroll to Top