Wararka

Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Aways Maxamed Xuseen ayaa soo gabo-gabeeyay kulanka wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lala yeelanayay dhallinyarada dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Aways Maxamed Xuseen ayaa soo gabo-gabeeyay kulanka wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lala yeelanayay dhallinyarada dowlad goboleedka Jubbaland. Intii ay socdeen doodaha la xiriira ra’yiga dhallinyarada Jubbaland ee siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa iyaguna goob-joog ahaa masuuliyiinta ka kala socday labada gole ee Jubbaland iyo hormuudka dhallinyarada Jubbaland. kulamada noocan ah oo horay uga soo dhacay magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle kana dhici doona dowlad goboleedyada dhimman ayaa qorshuhu yahay in ay dhallinyaradu ka tala bixiyaan siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Aways Maxamed Xuseen ayaa ku ammaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo wasiirkeeda Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud sida ay xil isaga saarayso in la maqlo aragtida dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed intaan golaha wasiirrada la horgayn si ay ansixiyaan. Axmed Nuur Xiirey oo ah agaasimaha waaxda Qorshaynta wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo ku matalayay wasaaradda shirka wadatashiga iyo ansixinta Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada ayaa kulanka ka sheegay in ujeedada wasaaraddu tahay in ra’yiga dhallinyarada Soomaaliyeed la dhegaysto intaan la ansixin siyaasadda qaran maadaama ay tahay mid iyaga lagu dhaqi doono.

Wararka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo gabogabaysay shirka wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo gabogabaysay shirka wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed qaybta Galmudug, iyadoo horay wadatashiyo noocan ah loola soo sameeyay Dhallinyarada dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle. Agaasimaha waaxda sharciyada Wasaaradda Xasan Sh. Cabdi Abuubaka( Codey) oo Dhallinyarada Galmudug kala qayb-galay Shirweynaha ansixinta iyo wadatashiga siyaasadda Qaran ayaa sharaxaad ka siiyay meelaha ay xoogga saarayso siyaasaddu afarta sano ee soo socota. Hormuudka dhallinyarada Galmudug oo ka kala yimid magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Guriceel iyo degmooyin kale ayaa ka soo qayb-galay shirka wadatashiga ee dhallinyarada Galmudug ay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ugu qabatay Gaalkacyo. Dhowaan ayaa la filayaa in golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay meel mariyaan siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo wasaaraddu ku tallo jirta in dhammaan dowlad goboleedyada iyo dhallinyarada qurbaha ra’yigooda la maqlo intaan golaha la hor gayn.

Wararka

Kulanka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maantay ka furmay magaalada Muqdisho

Kulanka wadatashiga iyo ansixinta siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maantay ka furmay magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir xilli lagu wado inuu maalinta bari ah sidoo kale ka dhaco xarumaha Maamul Goboleedyada Dalka. Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada oo lagu wado in dhawaan la hor geeyo Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya si ay u ansaxiyaan ayeey wasaaradu ugu tala gashay kulankaan maantay iyo kulamada kale ee Maamul Goboleedyada inay ka tala baxsadaan dhalinyarada si ay u noqoto siyaasad Qaran oo ay u dhan yihiin Dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo daah furay kulanka ayaa waxaa ku wehliyay masuuliyiin ay ka mid yihiin , Agaasimaha Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha , Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir, Agaasimaha Xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee Madaxweynaha , Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Marti sharaf kale iyo qaar ka mid ah Dhallinyarada hormuudka u ah Caasimada kuwaas oo falanqaynayay Qodobada Siyaasada Qaran ee Dhalinyarada . Ujeedka ugu weyn ayaa ah in la helo siyaasad Qaran oo ay leeyihiin Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wararka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa furay tababar la xiriira maamulka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa furay tababar la xiriira maamulka oo ay ka faa’iidaysanayaan macalimiinta, iyo qaybaha maamulka ee kooxaha ka ciyaara dalka ee ka kala tirsan xiriirrada kala duwan. Tababarkan waxaa bixinayay Macalin Maxamed Axmed Tarabi oo ah khabiir Soomaaliyeed oo in muddo ah ku soo dhex jiray tababarka macalimiinta iyo maamulka kooxaha. Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha oo furitaankii tababarkan la hadlay dhinacyada ka faaโ€™iidaysanaya ayaa tilmaamay inuu yahay kii horeeyay ee noociisa ah ee wasaaraddu qabato, isagoo intaas raaciyay inuusan noqon doonin kii ugu danbeeyay oo ay wadi doonaan tababarrada noocan oo kale ah s i kor loogu qaado tayada maamulayaasha iyo macalimiinta kooxaha.

Wararka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb-galay casho sharaf sagootin ah oo loo samaynayay xulka qaranka 17-jirrada dalkeenna oo u safraya dalka Algeria

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb-galay casho sharaf sagootin ah oo loo samaynayay xulka qaranka 17-jirrada dalkeenna oo u safraya dalka Algeria si ay uga soo qayb-galaan tartanka koobka Afrika ee qaramada U17. Xulkeenna qaranka ee U17 ayaa dhammaadkii sanadkii hore kaalinta koowaad ku soo baxay isreeb-reebkii bariga iyo bartamaha Afrika taasoo u saamaxday inay si xarago leh sanadkan uga qaybgalaan tartanka wadamada Afrika. Wasiirka waxaa kala qaybgalay munaasabadda sagootinta masuuliyiin ka kala tirsan labada gole ee baarlamaanka iyo fulinta dowladda, agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo ugu horeeyo guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed( Shiine), macalimiinta kooxda iyo masuuliyiin kale.

Wararka

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐›๐ง๐ข๐๐š ๐๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐Œ๐จ๐ ๐š๐๐ข๐ฌ๐ก๐ฎ ๐Ÿ๐Ÿ ๐€๐ฉ๐ซ๐ข๐ฅ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ‘

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐›๐ง๐ข๐๐š ๐๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐Œ๐จ๐ ๐š๐๐ข๐ฌ๐ก๐ฎ ๐Ÿ๐Ÿ ๐€๐ฉ๐ซ๐ข๐ฅ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ‘:- Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galayay af-fur wadareed ay lahaayeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka soo baxay Jaamacadaha dalka Uganda ayaa bogaadiyay isku xirnaantooda. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa tilmaamay inuu dalkeennu u jihaysanyahay dhinaca xisbiyada badan iyo inay israacaan koox walba oo isku taariikh ah, haddii ay isku jaamacado ama isku xaafado ahaayeen taasoo meesha ka saaraysa qaabkii awal la isugu xirnaa oo ahaa nidaamka qabaliga, wuxuuna dhallinyarada Uganda ka soo baxay kula dardaarmay inay hormuud ka noqdaan isku xirnaanta nooocaas ah ee ay haddaba wadaan. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo isaga laftiiisu ka mid ahaa dhallinyarada wax ku soo bartay Uganda, markii danbena ganacsi guulaystay ka hirgeliyay ayaa caddeeyay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee Uganda yimaada ay kaga duwanaayeen dalalka kale ee bariga Afrika in dalkaas Tacliin uun loo soo doonan jiray markii hore. Dhallinyarada Uganda wax ku soo bartay ee ka soo qayb-galay af-fur wadareedka ayaa ka kala tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay taasoo muujinaysa in aqoonyahankii dalka ku soo laabtay ay qayb ka yihiin dib u dhiskiisa.  

Scroll to Top